217

 

Xeerarka tajwiidka Qur’aanka

 

أحكام تجويد القرآن الكريم

[ اللغة الصومالية ]

 

 

 

Qore CabdiRisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”

 

عبد الرزاق محمد علمي ( ابن ورفا )

 

 

 

Fiiro gaar ah: Fadlan tixgeli aayadaha Qur'aanka ah ee qoraalkan la socda oo ha dhigin meel dayacan.

 

 

 

 

2011 - 1432

 


Weli lama daabicin kitaabkan

 

 

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo kitaabkan oo ma dhowrsana

La soo xiriirka qoraha ee ku saabsan kitaabka

 

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneyid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka qoraha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "e-mailkiisa" oo ah:  ina_warfaa@hotmail.com.

 

 

          Mahadnaq

 

 

Waxaan ugu horeyntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad iyo dhiiragalin, gaar ahaan Xaaji Xasan Maxamed Aaden iyo Yaasiin A. Ciid. Waxaana idin leeyahay  جزاكم الله  خيرا .

 

 

 

Hordhaca qoraha

 

Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

 

Waxaa mahadda iska leh Eebbe, naxariis iyo nabadgalyadiisana korkooda ha ahaato addoomadiisa uu doortay.

Kani waa xeerarka qurxinta aqriska Qur’aanka,

         أحكام تجويد القرآن             

ulajeedadaydu waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, aniga oo ugu qoraayo afka soomaaliga axkaamta tajwiidka Qur’aanka, dadka jecel iney bartaan, rabana iney u sii gudbiyaan caruurtooda. 

 

Waxaana ku tala jiraa kitaabkan ka dib inaan soo saaro labadan kitaab oo kala ah sheekooyinkii ugu wanaagsanaa أحسن القصص, iyo taariikh nololeedkii nebi Maxamed n.n.k. oo kooban iyo Asxaabtiisa r. نبذة يسيرة في سيرة النبي  و الصحابته hadduu Eebbe yiraahdo.

 

Waxaan ugu dambayntii Eebbe ka baryayaa in uu aniga “qoraaga” kitaabkan iyo intii i caawisayba uu miisaanka wanaagyadeena noogu daro maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

 

Waxaa la yiri qofkii ugu horeeyey ee dejiya cilmiga tajwiidka wuxuu ahaa Abuu Cumar Xafsa binu Cumar Adduuriyyu, qofkii ugu horeeyay ee qorana wuxuu ahaa Abuu Cubeyd Alqaasim binu Salaam.

 

 

Qoraha

Helsinki sabti 24.12.1427 H. oo ku aaddan 13.1.2007 M.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar

 

B) Qurxinta aqriska التجويد: Ujeedadiisa, diintu waxay ka qabto, hababka lagu baran karo iyo siduu u kala baxo.

 

Cilmiga tajwiidka waa aqoonta lagu garto sida loogu dhawaaqo erayada Qur’aanka.

Xarfaha oo si quruxsan loo aqriyaa ayaa waxay ahayd qaabkii uu u aqrin jirey Rasuulkii Eebbe naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

 

Ujeedada cilmiga tajwiidka waxay tahay in si wanaagsan loo barto aqrinta Qur’aanka ama waa in laga ilaaliyo carrabka gefka marka la aqrinayo Qur’aanka.

 

Cilmiga tajwiidka wuxuu yahay in loogu dhawaaqo xaraf kasta siduu yahay, iyo in xarfaha si quruxsan loogu dhawaaqo iyadoon waxba lagu darayn lagana dhimeynin si xunna loogu dhawaaqeyn.

 

Diintu waxay ka qabto barashada tajwiidka waxaa laga rabaa iney bartaan qaar ka mida muslimiinta فرض كفاية .

 

Diintu waxay ka qabto ku dhaqankiisa waa ku waajib ku kastaa oo muslin iyo muslimad ah oo yaqaan marka la aqrinayo Qur’aanka. 

 

Habka loo barto cilmiga tajwiidka waa labo jaad:

 

1) Inuu ka dhegeysto macalin, waana habkii ay u baran jireen dadkii hore.

2) Inuu u dhegeysto oo uu u saxo macalin.

Waxaana wanaagsan in la kulansado labada hab.

 

Sidey u kala baxdo aqrinta saxda ah:

 

1)  التحقيق: Waa in xarfaha loo aqriyo si sax ah, sida shaqalka dheer, hamzada sideeda loo aqriyo, shaqalada oo la dhameystiro, codka sanka ee fudud in sidiisa loogu aqriyo ” الغنة” xaraf kastaa goonidiisa loo aqriyo, xarfahana loo kala saaro iyadoo la hakinayo degdegna jirin, laguna istaago istaagyada la ogol yahay iyo iyadoo la muujiyo xarfaha ama la iskuqabto xarfaha.

 

2) الحدر: Waa in loo aqriyo si degdeg ku jirto loona aqrinayo xeerarkii tajwiidka waafaqsanaa sida in xarfaha la muujiyo, la iskuqabto, shaqalka gaaban, shaqalka dheer, xarfaha oo sidooda loo aqriyo iyo astaamahooda.

 

3) التدوير: Waa in loo aqriyo hab dhexdhexaad u ah labadan hab ee kala ah التحقيق iyo الحدر

 

4) الترتيل: Waa in loo aqriyo Qur’aanka ukaadin, aan degdeg ku jirin, deganaansho iyo in loo aqriyo xaraf kastaa sidiisa, astaamihiisa iyo shaqalada dhaadheer. 

 

T) Xeerka miimka iyo nuunka labolaaban المشدّدتين

 

1) Marka la aqrinayo miimka labolaaban waa in la muujiyo codka sanka ” الغنة” muddo qiyaastii labo xaraf ah sida:  أمّا، ثمَّ ، عمّ ، أمّن.

 

2) Marka la aqrinayo nuunka labolaaban waa in la muujiyo codka sanka muddo qiyaastii labo xaraf ah sida:  إنّ، إنّا، {من الجِنَّة والنّاس} .

 

 

 

J) Xeerka nuunka reebban 

iyo laboshaqlanaha ” التنوين

 

1) الإظهار الحلقي: Muujinta hunguriga

 

الإظهار: Waa in loo aqriyo xarafka reebban sidiisa iyadoon la istaageyn, la hakaneyn iyo aan la adkeyneynin.

Xarafyadiisa: Hamzada, ha’da, ceynka, xa’da, geynka iyo kha’da, waana kuwan erayada soo socda kuwa ay ku bilaabanayaan ay yihiin:

 

( أخي هاك علماً حازهُ غير خاسر ).

 

Xarfahaan ayaana loo yaqaan xarfaha hunguriga حروف الحلق , maxaa yeelay xarfahaasi dhawaaqooda wuxuu ka imaanayaa xagga hunguriga, sidaas darteed ayaa loogu magac darey xeerka muujinta hunguriga: الإظهار الحلقي.

 

Sida loogu dhawaaqo: Waxaa la muujinayaa nuunka reebban ama laboshaqlanaha ka hor: (Hamzada, ha’da, ceynka, xa’da, geynka iyo kha’da).

 

 

 

Tusaale:

 

1- ن+ أ : {مِنْ آيَاتِنَا}، {مَنْ أَرَادَ}، {مَرَّةً أُخْرَى}، {مِلْحٌ أُجَاجٌ}.

 

2.  ن + هـ: {عَنْهُمْ}، {مِنْهُمْ}، {إِنْ هُمْ}.

 

3.  ن + ع: {إنْ عُدْنا}، {أنْعَمْتَ}، {يومٌ عَسيرٌ}، {إثْماً عَظيماً}.

 

1.  ن + ح: {منْ حَوْلِهِمْ}، {شَيءٌ حَفيظٌ} ، {أُسْوَةٌ حَسَنَة}.

 

2.  ن + غ: {مِنْ غَيْرِ}، {عملٌ غَيْر صالِح}، {منْ عذابٍ غَليظ}.

 

3.  ن + خ: {مَنْ خَلَقَ}، {كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ}.

 

2) الإدغام: Iskuqabashada waa ku qabashada nuunka reebban ama labashaqlanaha xaraf ka mida xarfaha iskuqabashada  حروف الإدغام  iyagoo noqonaya xaraf kaliya oo labalaaban, kaas ayaa la yiraahdaa xarafka iskuqabashada.

Xarfaha iskuqabashada ee nuunka waa lix: Waxaana kulmineysa erayga (يرملون).  

 

Waxay u qeybsantaa iskuqabashada labo qeybood:

 

Qeybta koowaad: Kuqabashada iyadoo loo aqrinayo codka sanka  الإدغام بغنة: Waa marka ay kulmaan nuunka reebban ama labashaqlanaha xarfahan mid ka mida: ( ينمو).

 

Sida loogu dhawaaqo: Waxaa lagu qabanayaa nuunka mana la aqrinayo, ee waxaa la labolaabayaa xarafka xiga, waxaana la muujinayaa codka sanka oo loo aqrinayo xarafka labolaaban muddo qiyaastii labo xaraf ah.

 

Tusaale:

 

1.  ن + ي: {إِنْ يَرَوْا} ، {فِئَةٌ يَنصُرُونَهُ} وتقرآن: " أيّروا " ، " فِئَتينْصرونه ".

 

2.  ن + و: {مِنْ وَالٍ}، {إِيمَانًا وَهُمْ} وتقرآن: " مِوَّال "،" إيمانَوَّهم".

 

3.  ن + م: {مِنْ مَاءٍ}، {صِرَاطًا مُسْتَقِيمًا} وتقرآن: " مِمَّاء " ، " صراطمّسْقيماً ".

 

4.  ن + ن: {إِنْ نَحْنُ}، {مَلِكًا نُقَاتِلْ} وتقرآن: " إنَّحن"، "مَلِكنُّقاتل".

 

Fiiro gaar ah: Hadduu noqdo eray xarafka iskuqabashada nuunka reebban ka dib, ma la iskuqabanayo, ee waa in la muujiyaa nuunka reebban, waana laga helayaa Qur’aanka taasi iyadoo afar eray ah:

 

{دُنْيا}، {قنْوان} ، {بُنْيان}، {صِنْوان}.

 

Fiiro gaar ah: Labo meel oo ka mida Qur’aanka kariimka ayaa la muujiyaa nuunka reebban woowga hortiis mana la iskuqabto waxayna kala yihiin: {يس والقُرآنِ الحَكيم} waxaa loo aqrinayaa:

"ياسين والقرآن الحكيم". {ن والقلم} waxaa loo aqrinayaa:

"نونْ والقلم".  

 

Qeybta labaad: Kuqabashada iyadoon loo aqrineynin codka sanka: Waa marka nuunka reebban ama labashaqlanaha uu noqdo ka hor xarafka laamka iyo ra’da.

 

 

 

 

Tusaale: 

 

1.  ن+ ل: {أَنْ لَوْ} oo waxaad u aqrineysaa: " الّو " {أنْداداً لِّيُضِلُّوا} oo waxaad u aqrineysaa: " أندادَ لِّيضلوا ".

 

2.  ن + ر: {مِنْ رَب} oo waxaad u aqrineysaa: " مِرَّب ". {بشر رسولاً} oo waxaad u aqrineysaa: " بَشَرَ رَّسولاً ".

 

3) الإقلاب: Waa in loo rogo nuunka reebban ama labashaqlanaha miim ka hor ba’da iyadoo lagu aqrinayo codka sanka.

 

Xarafka: ba’da

 

Sida loo aqrinayo: Markey noqoto nuunka reebban ama labashaqlanaha ka dib ba’, hadday noqon lahayd eray ama laba eray, waxaa loo aqrinayaa nuunka miim, waxaa loogu aqrinayaa codka sanka miimka muddo qiyaastii labo xaraf ah.

 

Tusaale:

 

1.  {من بعد} Waxaad u aqrineysaa: " مِمْبَعد ".

 

2.  {بسلطان مبين} Waxaad u aqrineysaa: " بسلطنمبين ".

 

3.  {سميعٌ بصير} Waxaad u aqrineysaa: " سميعمبصير ".

 

4.  {بشراً مبين} Waxaad u aqrineysaa: " بشرمبين ".

 

5.  {لينبذن} Waxaad u aqrineysaa: " ليمبَذنّ ".

 

6.  {أنبآء} Waxaad u aqrineysaa: " أمباء ".

 

4) الإخفاء: Qarinta waa qaab u dhexeeya muujinta الإظهار iyo iskuqabashada  الإدغام mana la adkeynayo iyadoo loogu aqrinayo codka sanka xarafka ugu horeeya.

 

Xarafyadiisa: Waa xarfaha alif ba’da kale waxaan ka ahayn xarfaha muujinta حروف الإظهار , isku qabashada  الإدغام iyo xarafka rogidda  حرف الإقلاب  waana kuwa ay ku bilaabmaan tuduca soo socda:

 

صِفْ ذَا ثَنَاكَمْ جَاء شخصٌ قد سَمَا دمٌ طيباً زدْ في تقىً ضعْ ظالماً.

 

Sida loo aqrinayo: Markuu noqdo xarafka qarinta   حرف الإخفاء  nuunka reebban ama labashaqlanaha ka dib nuunka waxaa loogu dhawaaqayaa iyadoo laga maqlayo sanka mana la adkeynayo, mana la adkeynayo xarafka qarinta ee ku xiga.

Wuxuuna noqonayaa qarinta eray ama laba eray.

 

Tusaale: 

 

1.  ص: {انْصُرْنا}، {ولمن صَبَرَ}، {بريح صَرْصَر}، {ونخيلٌ صِوان}.

 

2.  ذ: {منذ}، {من ذا}، {وكيلاً ذريةً}، {ظل ذي}.

 

3.  ث: {الأنثى}، {أن ثبتناك}، {شهيداً ثم}، {نطفةٍ ثم}.

 

4.  ك: {فانكحوا}، {وإنْ كانت}، {علواً كبيراً}، {شيءٍ كذلك}.

 

5.  ج: {أنجيناه}، {من جاء}، {رُطباً جنياً}، {فصبرٌ جميل}.

 

6.  ش: {أنشره}، {ممن شهد}، {جباراً شقياً}، {ركنٍ شديد}.

 

7.  ق: {تنقمون}، {من قبل}، {رزقاً قالوا}، {عذابٌ قريب}.

 

8.  س: {الإنسان}، {ولئن سألتهم}، {قولاً سديداً}، {فوجٌ سألهم}.

 

9.  د: {أنداداً}، {وما من دابة}، {كأساً دهاقاً}، {يومئذ دُبُره}.

 

10.                ط: {انطلقوا}، {من طبيات}، {حلالاً طيباً}، {كلمة طيبة}.

 

11.                ز: {أنزل}، {فإن زللتم}، {نفساً زكية}، {يومئذ رزقاً}.

 

12.                ف: {ينفقون}، {فان فاؤوا}، {عاقراً فهب}، {لاتيةٌ فاصفح}.

 

13.                ت: {أنت}، {وان تصبروا}، {حلية تلبسونها}، {يومئذ تُعرضون}.

 

14.                ض: {منضود}، {ومن ضل}، {قوماً ضالين}، {قوةٍ ضعفاً}.

 

15.                ظ: {انظروا}، {من ظهير}، {ظلاً ظليلاً}، {سحابٌ ظلمات}.

 

Laba fiiro gaar ah:

 

1) Marka la qarinayo waa in loo qariyo xarafka ku xiga nuunka reebban ama labashaqlanaha. Waxaana lagu ogaanayaa xarafka iyadoo laga dhigayo hamzo ka hor xarafkan iyo xarafkoo la reebo.

 

Tusaale: 

 

أصْ، أذْ، أثْ، أكْ، أجْ، أشْ ، أقْ ، أسْ ، أدْ، أطْ، أزْ، أفْ، أتْ، أضْ، أظْ.

 

2) Waxay yeelaneysaa qarinta astaanta xarafka ku xiga nuunka reebban, micnaheedu waxay tahay qarintu waa la adkeynayaa hadday tahay xarafta ku xigta nuunka reebban ama labashaqlanaha mid la adkeeyay.

 

Tusaale: {من طيبات}.

 

Hadduu yahay xarafka ku xiga nuunka reebban ama labashaqlanaha mid la fududeeyay, markaasina qarintu waxay noqoneysaa mid la fududeeyay.

 

Tusaale: {من ذا الذي}.

 

 

 

 

X) Xeerarka miimka reebban

 

1)  الإخفاء الشفوي: Waa in ay tahay miimka reebban erayga dhamaadkiisa, uuna ku xigo xarafka ba’da, markaasina waxaa lagu qarinayaa miimka reebban ba’da iyadoo lagu aqrinayo codka sanka.

 

Tusaale: {وهمْ بالآخرة}, {ترميهمْ بحجارة}, {أنتمْ به}.

 

2) الإدغام الشفوي: Waa in ay tahay erayga u dambeeya miimka reebban uuna ku xigo miim shaqlan, markaasina lagu qabto miimkii reebbanaa kii shaqlanaa oo ay noqdaan hal miim oo labalaaban ” مشددة” oo la muujinayo iyadoo lagu aqrinayo codka sanka.

 

Tusaale: {في قلوبهم مرض} Waxaad u aqrineysaa: " في قلوبهمّرض."

 

{جاءكم من}, waxaad u aqrineysaa: " جاءكمِّن" .

 

{أزواجهم مثل} waxaad u aqrineysaa: " أزواجهمّثل."

 

3) الإظهار الشفوي: Muujinta dhawaaqa waa inuu noqdaa xarafka miimka reebban ka dib xarfaha alif ba’da waxaan ka ahayn ba’da iyo miimka hal eray ama laba eray.

Aad ayaana loo muujinayaa woowga ama fa’da ka dib, iyadoo miimka iyo woowga isku si loo aqrinayo ayna u dhowdahay sida loo aqrinayo fa’da. 

 

Tusaale:

 

{ذلكم خير لكم}، {وإن كنتم على}، {ولكم فيها}، {عليهم ولا الضالين}،

 

{عليهم فيها}، {ذلكم حكم}.

 

 

Kh) Iskuqabashada

 

1)  إدغام المتماثلين: Waa markay kulmaan labo xaraf oo isku mida bilowgiisu yahay reeb kan labaadna yahay shaqal ayaa lagu qabtaa kan hore midka labaad.

 

Tusaale:

 

{ما لكم من}، {من نزّل}، {بل لا}، {ما كانت تعبد}، {اضرب بعصاك}.

 

{اذهب بكتابي}، {يدرككم}، {إذْ ذَهَبَ}.

 

Fiirooyin gaar ah:

 

1) Waa la ogol yahay iskuqabashada iyo muujintaba iyadoo la hakinayo.

Muujinta ayaana la doorbidaa hadalka Eebbe kor ahaaye:

 

{مَا أَغْنَى عَنِّي مَالِيَه * هَلَكَ عَنِّي سُلْطَانِيَه} [الحاقة: 28-29]

 

oo marka la aqrinayo waa la iskuqabtaa " ما لِيهّلَكَ " ama waa la muujiyaa {ماليهْ * هلك} oo waxaa lagu istaagaa ha’da koowaad istaagni fudud adigoon neefsaneyn.

 

2) Hadduu yahay xarafka koowaad woow ama ya’ uuna ka dambeeyo kuwo la mida oo shaqlan, markaasi la iskuqaban maayo.

 

Tusaale: {آمنوا وعملوا}، {الذي يوسوس}.

 

3) Hadduuse yahay kan hore xaraf fudud, oo waa la iskuqabanayaa kuwa isku midka ah.

 

Tusaale: {والذين آووا ونصروا} oo waxaad u aqrineysaa: "آوَوّ نصروا".

 

2) إدغام المتجانسين: Waa marka labada xaraf isku qaab loo aqrinayo ayna ku kala duwan yihiin astaanta, waana xarfahan:

 

B) Ta’da reebban: Waxaa lagu qabanayaa ta’da reebban- iyadoon lagu aqrineyn codka sanka- laba meel: Hadduu noqdo deel ama dha’.

 

1.  ت+ د {أثقلت دعوا} Waxaad u aqrineysaa: " أثقلَتْدَّعَوا." {أجيبتْ دعوتكما} Waxaad u aqrineysaa: " أُجيبَدَّعوتكما"

 

2.  ت+ ط: {همت طائفتان} Waxaad u aqrineysaa: هَمّطَّائفتان".  {قالت طائفة} Waxaad u aqrineysaa: قالَطَّائفة".

 

T) الدال الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa deelka reebban –iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib ta’.

 

 

 

 

Tusaale:

 

1- د+ ت: {قدْ تَبَين} Waxaad u aqrineysaa:  " قَتَّبين" . Iyo {ومَهّدْتُ} waxaad u aqrineysaa:

" ومَهّتّ. {لقد كِدْت} Waxaad u aqrineysaa: " لقدْكِتَّ ".

 

J) الباء الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa ba’da reebban miimka ka dambeeya iyadoo lagu aqrinayo codka sanka, hal meel ayaana laga helayaa Qur’aanka waana:

 

{يا بني اركبْ معنا} [ هو: 42 ] Waxaad u aqrineysaa: " اركمّعنا ".

 

X) الذال الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa الذال reebban – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib xarafka الظاء:

 

Tusaale:

 

 

1- ذ + ظ: {إذ ظلمتم} Waxaad u aqrineysaa: " إظَّلَمْتم ".

 

Kh) الثاء الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa الثاء reebban – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib xarafka الذال .

 

Tusaale:

 

1- ث + ذ: {يلهثْ ذلك} Waxaad u aqrineysaa: " يلهّذَّلك ".

 

D) الطاء الساكنة: Waxaa lagu qabanayaa الطاء reebban – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – hadduu noqdo ka dib xarafka ta’da.

 

Tusaale:

 

1- ط+ ت: {أحطّت} Waxaad u aqrineysaa:

" أحَتُّ ". {بسطت}. Waxaad u aqrineysaa: " بسَتّ " {فرطتم}. Waxaad u aqrineysaa: " فرَتّم ".

 

Fiiro gaar ah: Sideeda ayey ugu ahaaneysaa qaabkan astaanta adkeynta الطاء lagula qabtey, sidaas darteedna waxaa loogu yeeraa iskuqabashada dhiman.

 

3)  إدغام المتقاربين: Hadday isu soo dhawaadaan labo xaraf sida loogu dhawaaqo iyo astaantooda, uuna yahay labadooda kan horeeya mid reebban, waa in lagu qabtaa kan labaad – iyadoon lagu aqrineyn codka sanka – taasina waa labadan qaab.

 

Tusaale:

 

1)  Laamka ayaa lagu qabanayaa ra’da sida:

{قلْ رب} waxaad u aqrineysaa: " قُرَّب "

 

2) Qaafka ayaa lagu qabanayaa kaafka sida:

{المْ نخلقْكُم} Waxaad u aqrineysaa:  " نَخْلُكّمْ ".

Waxaa la ogol yahay qaabkan iney ahaato astaanteeda adkeynta qaafka, wuxuuna noqonayaa iskuqabasho dhiman ama waa laga tegayaa astaantan oo wuxuu noqonayaa iskuqabasho dhameystiran.

 

Waxaana la muujinayaa dhammaan xarfaha reebban kuwaa soon lahayn xeerar u gooni ah markey isku xigaan, waana in la ogaadaa iney tahay in la muujiyo xarfahan soo socda: 

 

1) ضاد ”Laadka” reebban uu ku xigo طاء ”dha’ sida: {ممن اضطر}.

 

2) ضاد ”Laadka” reebban uu ku xigo ta’da sida:

{فإذا أفضتم}.

 

3) ظاء Reebban uu ku xigo ta’da sida:

{سواءٌ علينا أوَعظت}.

 

4) Deelka reebban uu ku xigo kaafka sida:

{لقدْ كدت}.

 

Xeerka laamka qodobka أل ee gartada:

 

Wuxuu leeyahay laamka qodobka gartada ee ay qaataan magacyada laba xeer uu yahay kan hore in la muujiyo ka hor xarfaha dayaxa الأحرف القمرية kuwaas oo ay yihiin xarfahan:  "ابغِ حجك وخف عقيمه"

Kan labaadna uu yahay in la iskuqabto ka hor xarfaha qoraxda الأحرف الشمسية xarfahaas oo ay yihiin xarafyada ugu horeeya erayada tuducan:

 

طب ثم صل رحماً تفز صف ذا نعم دع سوء ظن زر شريفاً للكرم

 

 

D) Shaqalada dhaadheer المدود

 

المد: Waa shaqalka dheer.

 

Xarfaha shaqalka dheer ee saddexda ah:

 

Alifka reebban ee kordhaban xarafka ka horeeya

ا.

Woowga reebban ee godan xarafka ka horeeya

: ُ و.

Ya’da reebban ee hoosdhaban xarafka ka horeeya

: ِ ي.

 

Xarfahan sadaxda ah waxay ku jiraan hal kan eray oo ah: نوحيها.

 

 

B) Qeybaha shaqalka dheer

 

1) المد الطبيعي أو الأصلي: Waa shaqalka dheer ee caadiga ah, mana lagu istaagayo hamzada oo ka dambeysa darteed ama reeb, sida: نوحيها. Qiyaastana shaqalkiisa dheer waa labo xaraf, lamana ogola in laga kordhiyo ama laga dhimo laba xaraf. 

 

2) المد الفرعي: Waa wixii lagu kordhiyo shaqalka dheer ee caadiga ah, waxaana ugu wacan inuu ku xigo xarafka shaqalka dheer hamzo ama reeb.

Hamzada iyo reebka ayaa ugu wacan shaqalka dheer ee aan caadiga ahayn, sidaas darteed shaqalka dheer ee aan caadiga ahayn waa labo jaad: Shaqalka oo loo dheereenaayo hamzada darteed, iyo shaqalka oo loo dheereenaayo reebka dartiis.  

 

1) Shaqalka oo loo dheereenaayo hamzada darteed:

 

B) Hadduu yahay hamzada ka hor xarafka shaqalka dheer waxaa la yiraahdaa shaqalka dheer ee la bedeley مد البدل: magacaas beddelna wuxuu u qaatay xarafka shaqalka dheer lagu bedeley darteed hamzada reebban.

 

Tusaale: {ءامنوا}، {أيماناً}، {أُوتوا}.

 

T) Hadduu yahay hamzada xarafka shaqalka dheer ka dib: Waa labo jaad:

 

 المد المتصل: Shaqalka dheer ee ku dheggan waa marka hal eray ay ku wada jiraan xarafka shaqalka dheer uu ka dambeeyo hamzada ayaa loogu yeeraa shaqalka dheer ee waajibka ah ee ku dheggan. Waxaana la dheereenayaa shan xaraf.

 

 

 

 

Tusaale:

 

{إذا جآءَ نصر الله والفتح}، {وأحاطت به خطيئته}، {سُوءَ العذاب}.

 

المد المنفصل: Shaqalka dheer ee ka go’an waa marka uu yahay xarafka shaqalka dheer erayga dhamaadkiisa, hamzadana ay ku jirto eray kale oo ku xiga, markaas waxaa loogu yeeraa shaqalka dheer ee la ogol yahay. Waxaana la dheereenayaa shan xaraf, waanna ku soo gaabin karnaa labo xaraf.

 

Tusaale: {يا أيها}، {الذي أنزل}، {توبوآ إلى الله}.

 

Fiiro gaar ah: Lama ogola in la dheereeyo alifka erayga ( أنا ) meel kasta oo ay ku jirto, waxaan ka ahayn qaabka istaagga حالة الوقف , sida:

 

{قال أنا أحي وأميت}، {وأنا أعلم}.

 

2) Shaqalka oo loo dheereenaayo reebka dartiis:

Waana labo jaad:

 

B) سكون عارض: Reeb lama filaan waa inuu ahaado xarafka u dambeeya kan ka horeeya ee erayga xarafka shaqalka dheer, xarafka ugu dambeeyana uu yahay shaqal, haddii la sii aqriyo lana gaaro erayga ka dambeeya wuxuu noqonayaa shaqalka dheer mid caadi ah, haddiina lagu istaago xarafka ugu dambeeya reeb ahaan wuxuu noqonayaa shaqalka dheer ee ka horeeya xarafka ugu dambeeya shaqal dheer reebka lama filaanka dartiis waxaana loogu yeeraa: Shaqalka dheer ee lama filaanka ee reebban. Waxaa la dheereenayaa lix xaraf, ama afar ama labo.

 

Tusaale:

 

{إن الله شديد العقاب}، {قد أفلح المؤمنون}. {الحمد لله رب العالمين}.

 

T) سكون لازم: Reeb lagama maarmaan waa inuu ku jiraa hal eray xarafka shaqalka dheer ka dib reeb lagama maarmaan ah iyadoo la aqrinayo laguna istaagayo, qiyaastiisa la dheereynayana waa lix xaraf. Waana labo jaad:  

 

1- كلمي: Eray ahaan waa inuu ku jiraa xarafka shaqalka dheer ka dib xaraf reebban, haddii lagu qabto (uu yahay xarafka ka dambeeya shaqalka dheer mid la adkeeyay) ayaa loogu yeeraa mid la cusleeyay.

 

Sida:  {ولا الضآلّين}، {الحآقّة}، {دابّة}.

 

Waxaana lagu lifaaqayaa shaqalka dheer waana markuu qaato hamzada weydiinta magac lagu garanaayo: Qodobka "ال" ee gartada, oo lagu beddelo alifka qodobka "ال" ee gartada alif shaqal dheer ah si uu u kala bixiyo weydiinta iyo sheegtada الخبر .

 

Tusaale: {آلذَّكرين}، {قل ءآللهُ أذِنَ لكم}، {ءآللهُ خيرٌ أمّا تشركون} haddaan lagu qaban (uu yahay xarafka ka dambeeya shaqalka dheer mid reebban oo aan la adkeyn) ayaa loogu yeeraa mid la fududeeyay.

 

Tusaale: {آلآن وقد}.

 

2-الحرفي: Xaraf ahaan waxay ku bilowdaan Suuradaha Qur’aanka qaarkood, xarfahaas hadday ka kooban yihiin saddax xaraf, xarafka dhexda ah waa xarafka shaqalka dheer kan saddaxaadna waa reeb. Xarfahaas oo la kulmiyeyna waa: 

{بل كم نَقص} haddii lagu qabtana waxaa loogu yeeraa mid culus.

 

Tusaale: {آلم}، {المر}، {طسم}.

 

Haddaan la iskuqabanna waxaa loogu yeeraa mid fudud.

 

Tusaale: {ن والقلم}، {ق والقرآن}، {المص}.

 

Fiiro gaar ah: Xarafka ceynka ee lagu bilaabo Suuradaha waa la ogol yahay in la dheereeyo lix xaraf, waana la ogol yahay in la dheereeyo afar xaraf maxaa yeelay ya’da ma aha xaraf la dheereeyo ee waa xaraf jilicsan.

 

T) لواحق المد Lifaaqyada shaqalka dheer

 

1- مد العِوض: Wuxuu noqonayaa marka lagu istaago labashaqlanaha lafalaha ah المنصوب erayga dhamaadkiisa, oo waxaa loo aqrinayaa alif ahaan halkii labashaqlanaha, waxaana la dheereenayaa qiyaastii labo xaraf, haddaan lagu istaaginna lama dheereynayo.

 

Tusaale: {أجراً عظيماً}، {عفواً غفوراً}، {إلا قليلاً}.

 

Waa in shaqalkaasi dheer uu ahaadaa xarafka labashaqlan mid aan ahayn ta’ yarada التاء المربوطة iyo alifka gaaban الألف المقصورة

 

 

2- مد التمكين: Shaqalka dheer ee adkeynta waa labo ya’ midkooda hore uu yahay mid la adkeeyay oo la hoosdhabay kan labaadna waa reebban yahay, waxaana loogu yeeraa shaqalka dheer ee adkeynta maxaa yeelay marka la aqrinayo waa la adkeynayaa xarafka labolaaban dartiis, waxaana la dheereynayaa qiyaastii labo xaraf.

 

Tusaale:  {حُييتم}، {النبيين}.

 

3.  مد اللين: Shaqal dheerka jilicsan waa shaqal dheerka labada xaraf ee shaqal dheerka: Ya’da iyo woowga reebban, ee kordhoban waxa ka horeeya, reebkana waxa ka dambeeya reeb lama filaan qaabka istaagga.

Waxaana la dheereynayaa labo xaraf ama afar, ama lix.

 

Tusaale: {قريش}، {عليه}، {البيت}، {خوف}.

 

4) مد الصلة  Wuxuuna u qeybsamayaa mid weyn iyo mid yar:

 

B) مد الصلة الكبرى Waa shaqalka dheer ee ha’da magac uyaalka maqan ee keliga labka ah ee godan ama hoosdhaban ee noqota labo shaqlan dhexdooda (uu yahay xarafka ka horeeya isla erayga uu shaqlan yahay, xarafka ka dambeeyana erayga ku xigana uu yahay mid shaqlan sidoo kale) Waxaana loo dheereynayaa aad ha’da godan si ay u noqoto woow dheer ama waxaa la dheereynayaa ha’da hoosdhaban si ay u noqoto ya’ dheer, Waxaana la dheereynayaa shan xaraf, waxaana lagu soo gaabin karaa labo xaraf oo kala go’an, waana hadduu ka dambeeyo hamzo.  

 

Tusaale: {وهو يحاوره أنا}، {وله أجر}، {به أحداً}.

 

T) مد الصلة الصغرى: Waa shaqalka dheer ee ha’da magac uyaalka maqan ee keliga labka ah... waxaana la dheereynayaa qiyaastii laba xaraf hadduusan ka dambeyn hamzo.

 

Tusaale:

 

{أعّذبه عذاباً}، {قلته فقد علمته}، {بكلمته ويقطع}.

 

Wixii ka baxsan lama dheereynayo:

{يرضه لكم} [الزمر: 7].

 

Fiiro gaar ah: Waxaad u aqrineysaa:

{فيه مهانا} [الفرقان: 69] Shaqal dheer oo socda ka soo horjeeda qiyaasta, inkastoo aysan noqon laba shaqlan dhexdood.

 

Digniin: Hadday kulmaan laba shaqal dheer oo isku jaad ah qaabka aqrinta waa in la simaa labadooda.

 

Waxaa la kulma ka go’an mid la mida, ama wuxuu la kulmaa shaqalka dheer ee socda ee weyn, hase ahaatee shaqalka dheer ee lama filaanka ee reebban ama jilicsan in la simo ma aha, hadday tahay lama filaan la kulma mid la mida, mid jilicsan oo la kulma mid la mida iyo lama filaan la kulma mid jilicsan toona.  

 

Tusaale:

 

1) Hadalkiisii Eebbe kor ahaaye: {من السمآء مآء}.

 

2) Hadalkiisii Eebbe kor ahaaye:

 

{فقالوا أبشراً منا واحداً نتبعُه إنآ إذا}.

 

Fiirooyin gaar ah oo guud:

 

1) Shaqalada dhaadheer sidey u kala xoog badan yihiin:

 

اللازم Lagama maarmaanka, المتصل kan ku dheggan, العارض للسكون lama filaanka reebban, المنفصل kan ka go’an, البدل beddelka.

 

2) Hadday kulmaan laba sabab oo ka mida sababaha shaqalka dheer ee xooggan iyo aan xoogganeyn, waa la xoojinayaa, sida:

 

{ولا آمّين}: Shaqal dheerka beddelka iyo shaqal dheerka lagama maarmaanka, waxaa lagu dhaqmayaa midka lagama maarmaanka sida:

 

{وجاءوا أباهم}: Beddelka iyo kan ka go’an, waxaa lagu dhaqmayaa kan go’an.

 

3) Hadduu noqdo xarafka shaqal dheerka erayga dhamaadkiisa, uuna ka dambeeyo xaraf reebban, waxaa laga tegayaa xarafka shaqal dheerka, markuu yahay dhejisada sida:

 

{وقالوا اتخذ}، {لصالوا الجحيم}، {حاضري المسجد الحرام}.

 

 

R) Xeerarka ra’da

 

Waa in la iska ilaaliyo soo celcelinta erayga ra’da.

Sida layskaga ilaalinayo soo celcelinta waa in lagu qabto carabka qeybtiisa kore dhabxanaga meesha ugu sareysa, iyadoo xoog loogu qabanayo, lana aqrinayo ra’da mar kaliya.

Ra’da waxaa loo aqriyaa laba qaab: Fududeynta iyo weyneynta:

 

التفخيم: Weyneynta waa xarafka oo cod weyneyn leh loogu dhawaaqayo.

xarafyadiisa: (خُصّ ضَغْطٍ قِظْ) waxaana loogu yeeraa xarfahan sidoo kale حروف الاستعلاء .

Ra’da waxaa la weyneynayaa:

 

1) Hadday kordhoban tahay ama godan tahay sida: {رَبّنا}، {رُزقنا}.

 

2) Hadday reebban tahay uuna ka horeeyo kordhow ama god (muhiim ma aha reebka kala haya) sida: {خردل}، {القّدْر}، {الأمُورْ}.

 

3) Hadday reebban tahay uuna ka horeeyo hoosdhow lama filaan ah sida:

 

{ارْجِعوا إلى أبيكم}، {أمْ أرْتابوا}، {لِمَنْ ارتضى}.

 

4) Hadday reebban tahay uuna ka horeeyo hoosdhow asal ah uuna ka dambeeyo xarafka weyneynta aan hoosdhowneyn ayna tahay hal eray sida: {مِرْصادا}، {قِرْطاس}، {فِرْقة}.

 

الترقيق: Fududeynta waa xarafka oo cod fudeyd leh loogu dhawaaqayo.

Xarafyadiisa: Waa xarfaha alif ba’da oo dhami waxaan ka ahayn xarfaha weyneynta, waxaana loogu yeeraa sidoo kale حروف الاستفال .

Ra’da waxaa la fududeeyaa:

 

 

1) Hadday hoosdhaban tahay sida: {رِزقاً}.

 

2) Hadday reebban tahay uuna ka horeeyo ya’da reebban sida: {خيْر}، {قديْر}.

 

3) Hadday reebban tahay uuna ka horeeyo hoosdhow (muhiim ma aha reebka kala haya) uusan ka dambeyn xarafka weyneynta aan ahayn hoosdhow sida: {أنِذرهم}، {فِرْعون}، {مِريْة}، {السِّحْر}.

 

جواز الترقيق والتفخيم Waa la fududeyn karaa waana la weyneyn karaa

 

1) Haddii la reebo ra’da erayga dhamaadkiisa, reebkana uu yahay kala hayaha reebka iyo hoosdhowga uu u dhexeeyo xaraf la weyneynayo oo reebban sida: {مِصْر} {قِطْر}. 

 

2) Hadday ra’du reebban tahay, uuna ka horeeyo hoosdhow asal ah, uuna ka dambeeyo xarafka weyneynta oo hoosdhaban, waa la fududeyn karaa waana la weyneyn karaa sida: {فِرْقٍ}.

 

3) Marka lagu istaagayo erayadan:

{فأسْرِ}، {أن أسرِ} Waa la fududeyn karaa waana la weyneyn karaa meelaha ay kaga jiraan Qur’aanka.

Sidoo kale eraygan {يَسْر} iyo eraygan {وَنُذْر}.

 

Fiiro gaar ah: Xarfaha weyneynta sidey u kala weyn yihiin:

 

ضاد، صاد، ظاء، قاف، غين، خاء.

 

Xarfaha weyneynta kan u weyn waa hadduu kordhoban yahay xarafka weyneynta, uu ka dambeeyo alif sida: {طائفة} dabadeed kordhoban yahay uuna ka dambeyn alif sida: {طَبَعَ}, dabadeed godan yahay sida: {طُوبَا}, dabadeed hoosdhaban yahay sida: {طِبتُم}.

 

S) صفات الحروف Astaamaha xarfaha

 

تعريف الصفة Qeexidda astaanta: Waa astaanta xarafka uu kaga duwan yahay xarfaha kale sida kor u qaadidda الجهر , adkeynta الشدة iwm.

Waxayna u qeybsantaa labo qeybood:   

 

الأول: الصفات التي لا ضد لها Kan koowaad astaamaha aan lahayn wax ka soo horjeeda:

 

1- الصفير: Waa codka dheeraadka ah ee uu qaato xarfihiisa saddaxda ah ”siis”, waxaana loogu magac darey الصفير, sababtuna waxay tahay waxay u cod eg yihiin codka shimbirta. Saddaxdiisa xarafna waa (ص، س، ز). 

 

2- القلقلة: Waa codka oo isku qasma marka la aqrinayo xarafka reebban si loo maqlo xarafka adkaantiisa, waxaana keena xarfaha adkaantooda isku qasankaasi marka la aqrinayo ayaa kor loo qaadaa lana adkeeyaa, xarfaheedana waa:

 

(قُطُبُ جَدٍ).

 

Xarfaha isku qasma marka la aqrinayo القلقلة tan ugu sareysa waa طاء , tan u dhexeysana waa جيم , inta kalena waa ugu hooseeyaan. Waana in aad loo muujiyaa marka lagu istaagayo, Gaar ahaanna marka lagu istaagayo xarafka labalaaban sida: {بالحقِّ}.

 

Tusaale:

 

{مريجْ}      {يَجْعلون}

 

{بعيدْ}      {يَدْعون}

 

{واقْ}      {يَقْطعون}

 

{محيطْ}     {يَطْمعون}

 

{عذابْ}    {لَتُبلون}

 

3- اللين: Jilicsan waa marka xarafka loo aqrinayo si jilicsan aan lagu adkeyn carabka sida:

{البيت}، {خوف}. Xarafyadiisana waa woowga iyo ya’da ayna kordhaban yihiin wixii ka horeeya labadooda.

 

4- الانحراف: Waa xarafka oo loogu dhawaaqo sidii xaraf kale, laamka waxaa si kale loogu dhawaaqaa carabka dhinaciisa, ra’dana waxaa si kale loogu dhawaaqaa carabka korkiisa, xarfahiisana waa laamka iyo ra’da.

 

5- التكرير: Waa marka xarafka carabka madaxiisa dib loogu aqriyo, ra’da ayaana looga dhigaa astaan ay qaadan karto, hadday labolaaban tahay, dabadeed ay reebban tahay. Xarafka soo noqnoqdana waa ra’.

Waana in laga dheeraadaa soo celcelinta ra’da, adigoo ugu qabanaysid si adag carabka korkiisa dhabxanaga meesha u sareysa markaad ku dhawaaqeysid, kolkaas oo aad ku dhawaaqeysid ra’da mar kaliya aadan ku celineyn carabka mar kale. 

 

6- التفشي: Waa in neefta ay ka soo baxdo inta u dhexeysa carabka iyo dhabxanaga oo marka xarafka lagu dhawaaqayo neefta soo baxdo.

Xarafkiisa kaliya waa shiin.

 

 

7- الاستطالة: Waa codka oo lagu dheereeyo dhinaca carabka hore ilaa dhamaadkiisa.

Xarafkiisa kaliya waa ضاد .

 

الثاني: الصفات التي لها ضد Kan labaad astaamaha leh wax ka soo horjeeda:

 

1- الهمس والجهر: Hoos u dhigidda xarafka iyo kor u qaadidda xarafka:

 

Xarfaha hoos u dhigidda waa tobankan xaraf ee isla socda: فحثَّه شخص سكت.

Xarfaha kor u qaadidda waa xarfahan kale ee isla socda: عَظُمَ وَزْن قارىء ذي غضّ جِدّ طَلَب.  

 

2-الشدة والرخاوة  Adkeynta iyo jilcidda:

 

Xarfaha adkeynta waa xarfahan sideedka ee isla socda: أجِدْ قَطٍ بَكَتْ.

Xarfaha u dhexeeya adkeynta iyo jilcidda waa shantan xaraf ee isla socda: لِنْ عُمر .

Xarfaha jilcidda waa xarfahan kale:

 

ح، خ، ذ، ز، ث، س، ش، ا، ص، ض، و، غ، ف، هـ، ي  

 

3- الاستعلاء والاستفال: Xarfaha weyneynta iyo xarfaha fududeynta

 

Xarfaha weyneynta waa todobo, waana kuwan iyagoo isla socda: خُصَّ ضَغْطٍ قِظْ.

Xarfaha fududeynta waa xarfahan kale ee isla socda: ثَبَتَ عِزّ مّنْ يُجَوّدْ حَرْفَهُ إذ سَلَّ شَكا.

 

4- الإطباق والانفتاح: Carab ku qabashada dhabxanaga marka xarafka lagu dhawaaqayo iyo carab ka qaadidda

 

Xarfaha carab ku qabashada dhabxanagga waa:

ص، ض، ط، ظ.

Xarfaha carab ka qaadidda dhabxanagga waa xarfaha kale ee harsan.

 

 

5-الإذلاق والإصمات: Xarfaha aqrintooda ay fudud tahay iyo kuwa ay adag tahay

 

Xarfaha aqrintooda ay fudud tahay waa lixdaan xaraf oo isla socda: فر من لب.

Xarfaha aqrintooda ay adag tahay waa xarfaha alif ba’da kale ee harsan.

 

Fiiro gaar ah: Astaamaha aynu soo sheegnay qaar waa kuwa adag qaarna waa kuwa jilicsan.

 

  1. Astaamaha adag waa kor u qaadidda xarafka الجهر , adkeynta الشدة, weyneynta الاستعلاء, carab ku qabashada dhabxanaga الاطباق, xarfaha aqrintooda ay adag tahay الاصمات, xarfaha saddaxda ah ee leh cod u eg codka shimbirta ”siis” الصفير, xarfaha isku qasma marka la aqrinayo القلقلة, waa marka xarafka carabka madaxiisa dib loogu aqriyo التكرير, waa xarafka oo loogu dhawaaqo sidii xaraf kale الانحراف, waa marka lagu dhawaaqayo xarafka shiinka codkiisa التفشي, waa marka lagu dhawaaqayo xarafka ضاد ka codkiisa الاستطالة.
  2. Astaamaha jilicsan waa hoos u dhigidda xarafka الهمس, xarafka oo si jilicsan loo aqriyo الرخاوة, xarafka oo si fudud loo aqriyo الاستفال, carab ka qaadidda dhabxanaga marka xarafka lagu dhawaaqayo الانفتاح, xarfaha aqrintooda ay fudud tahay الاذلاق, xarafka oo loogu dhawaaqo si fudud اللين.

 

 

Sh) Xeerar kale:

 

  1. الروم: Waa codka oo hoos loogu dhigayo shaqalka (godka iyo hoosdhowga), intuu codka ka yaraanayo, oo uu maqli karo markaasi qof dhow uun, maxaa yeelay ma dhameystirno.
  2. الاشمام: waa isku qabashada labada dibnood wax yar ka dib reebka dabadeedna dibnaha inta la iskuqabto ayaa xoogaa yar la feydayaa si loo neefsado, mana ogaan karo qof maqlaya mooyee.

Waxaana nuunka loogu aqrinayaa hadalka Eebbe kor ahaaye:

{يَا أَبَانَا مَا لَكَ لا تَأْمَنَّا عَلَى يُوسُفَ} [يوسف: 11]

adigoo ka tegaya shaqalka nuunka koowaad:  تأمننا.

 

  1. السّكتات ”Koox”: Hakimo

السكت ”Keli”: Hakinta waa aqrinta Qur’aanka oo la hakiyo iyadoon la neefsaneyn muddo labo shaqal ah. Waxaa waajib ah in la hakiyo afar jeer aqriska Qur’aanka marka loo aqrinayo aqrinta Xafsa: Hadaladiisii Eebbe kor ahaaye:

 

1.  {وَلَمْ يَجْعَلْ لَهُ عِوَجَا * قَيِّمًا لِيُنذِرَ بَأْسًا…} [الكهف: 2-1].

 

2.  {قَالُوا يَا وَيْلَنَا مَنْ بَعَثَنَا مِنْ مَرْقَدِنَا هَذَا مَا وَعَدَ الرَّحْمَانُ} [يس: 52].

 

3.  {وَقِيلَ مَنْ رَاقٍ} [القيامة :27].

 

4.  {كَلا بَلْ رَانَ عَلَى قُلُوبِهِمْ مَا كَانُوا يَكْسِبُونَ} [المطففين: 14].

 

5. Waana la ogol yahay aayaddan

 

     {ما أغنى عني ماليه * هلك

 

labada qaab in la hakiyo iyo in la iskuqabto.

 

                      الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات                                                       

Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhamaadaan wanaagyaalku