461

 

Maalka aan ka kasbaday xaaraan ma ka bixin karaa zako

 

 

 

 

Waxa turjumay:

Maxamed Axmed Cilmi

 

 

 

 

 

 

 

 

2014 – 1436

 

هل أزكى عن المال المكتسب من حرام

 

 

(باللغة الصومالية)

 

 

 

إعداد وترجمة / محمد احمد علمي

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

2014 - 1436

 

بسم الله الرحمن الرحيم

 

SU'AAL: HADII AAN HAYSTO XOOLO AMA MAAL AAN KU HELAY SI XAARAAN AH OO AAN XALAAL AHAYN MA KA BIXIN KARAA ZAKO XOOLAHAAS?

 

JAWAAB:  MARKA HORE WAXA AAN JECEL NAHAY IN AAN U KALA SAARNO MAALKA SADEX QAYBOOD:

  1. In maalkaasi yahay mid dhamaantiiba aad xalaal  ku kasbatay.
  2. In maalkaasi yahay mid aad dhamaantiiba xaaraan ku heshay.
  3. In maalkaasi yahay mid xalaal iyo xaaraan isku dhex jira aad ku heshay.

Hadii maalkaasi yahay mid aad si xalaal ah ku kasbatay waxa aad ka bixinaysaa zakadiisa marka la helo shuruudihii  sakada lagu bixinayay.

Hadii maalkaasi yahay mid xaaraan iyo xalaal ka kooban, waxa haboon in aad si fiican u kala ogaato inta xalaasha ah oo aad ka bixiso zakada intaasi xalaasha ah kaliya.

Hadii maalkaasi yahay dhamaantiiba maal xaaraan ah wax zako ah oo laga bixinayaa ma jirto, sababto ah maalka xaaraanta ah maaha mid qofka gacanta ku hayaa uu leeyahay.

 

 

 

Waxa kale oo aan intaa talo ahaan iyo nasteexo ahaan kuugu raacinaynaa arimahan soo socda:

  1. In qof kasta oo maalkiisa xaaraan ku jirto uu maalkaas xaaraanta ah iska saaro sida ugu dhaqsaha badan, sababtoo ah ma oga qofna marka uu dhimanayo.
  2. In uu ka toobad keeno xaaraantaas uu ku dhacay.
  3. In hadii uu garanayo qofkii lahaa maalkaasi xaaraanta ah uu u celiyo, hadii kalena uu u sadaqeeyo, oo uu ugu bixiyo ilaahay dartiis.

قال تعالى:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلَّا أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ ۚ وَلَا تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا) سورة النساء، الآية: 29.

Ilaahay waxa uu qur'aanka ku yidhi:  hooy dadka mu'miniinta ahow ha ku cunina maalka dhexdiina  ah si baadil ah……)

 

 

WABILAAHI TAWFIIQ