304

Naxwaha carabiga oo kooban

 

الموجز في قواعد اللغة العربية

[ اللغة الصومالية ]

 

         

Qore Siciid Maxamed AxmedSiciid Al-Afgaani

 

سعيد الأفغاني

                           

 

Turjume: Cabdirisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”

 

ترجمة: عبد الرزاق محمد علمي ( ابن ورفا )

 

     

Fiiro gaar ah: Fadlan tixgali aayadaha Qur'aanka ah ee qoraalkan la socda oo ha dhigin meel dayacan.

 

 

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo tarjamada       naxwahan oo ma dhowrsana

Waxaa daabacay Kirja kerrallaan Helsinki Finland

Tusmada kitaabka    bogga

 

Hordhaca qoraha------------------------------- 7

Hordhaca turjumaha--------------------------- 8

Falalka-------------------------------------------11

Rogrogmadka---------------------------------- 12 Labada fal ee layaabka----------------------- 13   Falalka amaanta iyo amaandarada---------- 14 Falka aan qaadan asal ahaan xarfaha------- 15 Falalka makordhaha iyo kordhaha---------- 16 Hamzada dhajisada iyo goynta

Adeegsiga qaamuusyada--------------------- 17   Falka xoojiyaha iyo maxoojiyaha----------- 19 

Falka layaqaanaha

Gudbaha iyo magudbaha--------------------  20    Dhamaha iyo madhamaha

Isbadalka shaqalka erayga u dambeeya---- 22 Kordhowga joogtada iyo meelaheeda-----  23

Reebka joogtada iyo meelaheeda

Gartada iyo lamagartada----------------------24   Magac uyaalka             

Magaca gaarka ah----------------------------- 25  

Magaca muujiyaha

Magaca xiriiriyaha---------------------------  26

Gartada qodobka-----------------------------  27

Makordhaha iyo kordhaha

Alifka gaaban iyo ya'da dhimanaha--------28

Labka iyo dheddigga-------------------------29

Kooxaha iyo xeerarkeeda--------------------31

 Yaraynta iyo xeerarkeeda--------------------32

 Xiriirtada iyo xeerarkeeda

Magaca labashaqlanaha----------------------33

Magac faleedka

Asalada-----------------------------------------34

Magaca falaha

Magaca lafalaha

Astaanta u egtada magaca falaha

Magaca barbardhigaha---------------------- 35

Magaca goorta iyo magaca goobta

Magaca qalabka

Falaha magacyada--------------------------- 36

Falaha

Utaaganaha falka

Yeelaha iyo sheegtada---------------------- 37

Sheegtada (runtii) iyo walaalaheed

Macnayaalka qodobyada

Lafalaha magacyada------------------------ 38

Lafalaha dhan

Lafalaha-------------------------------------- 39

Lafalaha dartiis

Lafalaha lajira

Lafalaha goorta iyo goobta    

Qaabka falka----------------------------------42

Kalasaaridda

Kabaxsanida----------------------------------44

Dhawaaqtada---------------------------------46

Meelaha lahaanshaha magaca -------------47

Xarafka meeleeyaha

Lahaanshaha labada magac----------------50

Raacdooyinka--------------------------------51

 Xoojinta

Tilmaamaha

La socotada---------------------------------- 52

Fasirtada------------------------------------- 53

Lasocotada caddaynta

Xarfaha macnayaalkooda

Isbadalka shaqalka erayga-----------------62

                                 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan naxwaha      

                  

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneysid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaankiisa bariidka xaasuubka:

”elab@suomi24.fi”.                        

 

 

          Mahadnaq     

 

Waxa aan ugu horrayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan dadkii igu caawiyey talo, fikrad, dhiiragalin iyo sida habka wax loogu qoro xaasuubka "kombiyuutarka" gaar ahaan macalin Jaamac. Waxaan idin leeyahay  جزاكم الله  خيرا .              

 

 

 

Taariikh nololeedka qoraha oo kooban iyo    tixraac qoraal                                         

 

Naxwaha carabiga waxaan ka turjumey naxwaha la yiraahdo "xeerarka afka carabiga oo kooban"  ä               

الموجز في قواعد اللغة العربية

 

ee uu qorey Siciid Maxamed Axmed oo loo yaqaan "Siciid Al-Afgaani". Mana wada turjumin naxwahaasi ee waan soo koobay. Siciid Al-Afgaani wuxuu ahaa naxwe-yaqaan. Wuxuu ku dhashay Dimishiq Suuriya, inkastoo uu ka soo jeedey Afganistaan, sanadka Hijriga markuu ahaa 1327dii, wuxuuna ku dhintay Makka Almukarrama Sacuudiga sanadkii 1417dii, Eebbe ha u naxariistee. Wuxuuna leeyahay kutubo dhowr ah oo uu ka mid yahay naxwahan.

               

 

 

 

 

 

 

Hordhaca qoraha                                                                                                                                  

 

Labaatan sano ayaan ahaa madaxa manaahijta culuunta afka carabiga iyo dhaqangelintooda anigoo markaas ahaa ustaaz "bare" ka dhiga jaamacadda Dimishiq naxwaha "xeerarka afka" iyo sarfiga "rogrogmadka afka". Ka dibna waxaan bare ka ahaa jaamacadda Lubnaan iyo jaamacadda Beyruut anigoo dhigayey isla labadaas maaddo oon kor ku soo sheegey. Waxaana isla xiligaasi la socdey manaahijta jaamacadaha Masar iyo Ciraaq ee maadadaasi.

Naxwaha carabiga oo kooban waxaan ka qorey naxwaha afka carabiga ee uu qorey Xafni Naasif iyo naxwaha afka carabiga ee uu qorey Al-Galaayiini  iyo daliilyo aan ku jirin labadaasi naxwo oo aan ku biiriyey.

Waxaan go'aansadey dabcaddan ugu dambeysey inaan mideeyo manaahijta jaamacadaha carabta si uu ugu ahaado aqoonyahanka tixraac dhan oo naxwaha carabiga ah (xeerarkeeda  äنحوها  iyo rogrogmadkeeda  äصرفها).

Waxaan Eebbe ka baryayaa howsha aan qabanayo inuu ka dhigo mid waxtar leh dhamaantanada ha naga dhigo adeegayaasha afkan sharafta leh una qalma iney mutaan adeegeeda Eebbaana nagu filan wax la talosaartana isagaa ugu wanaagsan.

 

Qoraha

6.11.1390 H. oo ku aaddan 2.1.1971 M.      

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hordhaca turjumaha

 

Waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

Waxaa mahad iska leh Eebbe, nabadgalyadiisana korkooda ha ahaato adoomadiisa uu doortay.            Kani waa naxwaha carabiga, ulajeedadaydu waxay tahay in aan ugu dhawaado Eebbe, aniga oo ugu turjumaayo naxwaha carabiga afka soomaaliga ardayda, maxaa yeelay waa iridda laga galo  afka carabiga, taasoo ah afka nabigeena Maxamed naxariista Eebbe iyo nabadgalyadiisa korkooda ha ahaatee isaga iyo reerkiisa iyo intii raacdey dhamaantood, waana afka Qur'aanka kariimka.

Waxtarka ay leedahay barashada naxwaha afka carabiga, si sax ah ayaad ugu hadli kartaa, u qori kartaa afka carabiga, si sax ah ayaad u baran kartaa Qur'aanka kariimka iyo Xadiiska Nabiga n.n.k., waana labada ay ku dhisan yihiin sharciga Islaamka.

 

Waxaana ku tala jiraa markuu soo baxo tarjamadan naxwaha ah, ka dib inaan soo saaro tarjamada qaamuuska carabiga oo kooban, hadduu Eebbe yiraahdo.

 

Waxaan ugu dambayntii Eebbe ka baryayaa in uu aniga "turjubaanka", qoraaga naxwahan iyo intii i caawisayba uu miisaanka wanaagyadeena noogu daro maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

 

Sida la og yahay qofkii ugu horeeyey ee qora naxwaha carabiga wuxuu ahaa Abul Aswadi Addualiyyu, waxaana faray inuu qoro madaxweynihii afaraad ee muslimiinta Cali binu abii Daalib Eebbe ha ka raali noqdee.

 

Diinta Islaamku waxay qabtaa " فرض الكفاية "  inuu barto naxwaha carabiga qofkii awoodo.

 

Erayga naxwe af carabi ahaan dhowr macno ayey leedahay sida: dhinac iyo la mid.

Erayga naxwe ereybixin naxwe ahaan waxaa loola jeedaa xeerka barashada afka.

 

Turjumaha

Helsinki talaado 18.9.1427 H. oo ku aaddan 10.10.2006 M.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

بسم الله الرحمن الرحيم

                           

Falalka الأفعال

Ismabadalaha iyo isbadalaha          الجامد والمتصرف                                                                                      

Falalka badankood waxay leeyihiin saddax qaab: tagtada  الماضي , joogtada  äالمضارع , iyo fartada  äالأمر  sida:  qoray   äكتب ,  aqriyay  äقرأ , ogaaday  äعلم  iwm.  Falalkaasi mid ka mid ah wuxuu isubadalaa saddaxda qaab sida: äqoray  كتب ,  qora  يكتُبُ , qor   اكتُبْ .  Falalka qaarkoodna waxay isubadalaan laba qaab: tagtada iyo joogtada oo kaliya sida falkan oo kale weli ahaa  äما زال , weli yahay  äما يزال  oo ma laha falkan qaabka saddaxaad ee fartada.  Qaarna waxay isubadalaan hal qaab, falkaasi ayaana la yiraahdaa ismabadalaha. Waana inuu ahaadaa qaabka tagtada oo kaliya sida: ma aha  äليس  oo isuma badala labada qaab ee kale ee falka joogtada iyo fartada ama waa inuu ahaadaa qaabka fartada oo kaliya sida: ka soo qaad هب oo isuma badala labada qaab ee kale ee falka joogtada iyo tagtada.

 

Rogrogmadka    äالتصرف

 

Tan koowaad: marka falka tagtada uu isubadalayo falka joogtada:

B) Waa inuu qaataa mid ka mida xarafyada  joogtada (alifka ama hamzada qofka hadlaya kaligiis: aniga äالهمزة للمتكلم وحده , ama nuunka qofka la hadlaya qofka kale: annaga  äالنون للمتكلم مع غيره , ama ya'da qofka maqan: isaga  äالياء للغائب , ama ta'da dadka lala hadlayo: idinka  äالتاءُ للمخاطبين , ama ta'da qofta maqan: iyada  äالغائبة .) waa la godayaa falka afarta xaraf ka kooban kan kalana waa la kordhobayaa.

T) Dabadeed waxaa la eegayaa falka inta xaraf uu ka kooban yahay:

1) Hadduu yahay fal saddax xaraf ka kooban  äالثلاثي , xarafka ugu horeeya waa la reebayaa  يسكن , xarafka labaadna waxaa lagu shaqlayaa  يحرك  god  äضمةً , ama kordhow  äفتحةً , ama hoosdhow  äكسرةً  sida: qora  äيكتُب , fura  äيَفْتَحَ , garaaca  äيضرِب .

2) Hadduuna yahay fal afar, shan iyo lix xaraf ka kooban  الرباعي, الخماسي والسداسي , uusan ka bilaabanayn ta'da dheeraadka ah  التاءُ الزائدة , waa la hoosdhabayaa ka hor xarafka u dambeeya, mana qaadanayo alifka dhajinta  äأَلف الوصل  ee falka shan iyo lix xaraf ka kooban iyo hamzada goynta dheeraadka ah äهمزة القطع الزائدة ee falka afar xaraf ka kooban sida: Wareejiya  ُدَحْرج  , socda  äيَنطَلِق , dembidhaaf weydiista  äيسْتَغْفِر . Haddii ay ku bilaabato ta'da dheeraadka ah, ismabadalayso: ka qaybqaatay, ka qaybqaata  äتشارَكَ يتشارك .

Tan labaad: marka falka joogtada uu isu badalayo falka fartada:

1) Waa la reebayaa falka joogtada ah: Ma uusan qorin  äلم يكْتبْ , ma uusan tuurin  äلم يَرْم , ma uusan wareejin  äلم يدَحرجْ .

2) Waa in laga tuuraa xarafka joogtada.

3) Waa inuu qaataa alifka dhajinta iyo hamzada goynta, labadaasoo uusan qaadan markuu falku yahay joogto sida: qor  äاكتبْ , wareeji  äدحْرجْ  iyo socda  äانطلقوا .

 

Labada fal ee layaabka   äفعلا التعجب

 

Marka la muujinayo layaabka waxaa la adeegsanayaa labadan qaab midkood:

1) Yaa ka yaab badan  äما أَفْعَلَه

2) Yaa ka yaab badan  äأَفْعِلْ به

Sida yaa ka nasiib badan  äما أَحسن حظَّه  ama  äأَحسنْ بحظه . Falka layaabka ee hore waa la kordhobayaa falka labaadna waa la hoosdhobayaa ba'da dheeraadka ah darteed.

 

Falalka amaanta iyo amaandarada   äأفعال المدح والذم             

Falalka amaanta iyo amaandarada dhamaantood waa falal aan isbadalin mana laha joogto iyo farto toona. Waana labo jaad:

B) Jaadka koowaad: Alla wanaagsanaa  äنعم , alla muxuu hoogey  بئس , alla xumaa  ساء , alla wanaagsanaa  حبذا  iyo alla mawanaagsana  لا حبَّذا.

1) Marka aad wax amaaneyso ama aad ku sheegeysid amaandarada waa inuu qaataa qodobka ä(أَل) sida: Alla muxuu wanaagsan yahay ninka Khaalid ah  äنعم الرجل خالد , alla maxay xun tahay ina walaasha reer Saliim  äبئس ابن أخت القوم سليم .

2) Ama magac uyaal kalasaare sida: Alla dabeecad xumaa xanaaqaaga   äساءَ خلقاً غضبك.

3) Ama erayga (ما) sida: Alla xumaa wuxuu sameeyay dariskaa   äبئس ما فعل جارك , alla muxuu xumaa wixii ay sameeyeen  äساءَ ما كانوا يصنعون.

T) Jaadka labaad: Sidoo kale kolkii aad wax amaaneyso ama aad ku sheegeysid amaandaro waxaad adeegsaneysaa qaabkan (äفعُل) oo waxaad godeysaa erayga xarafkiisa labaad sida: Alla garasho ogaa inanka  (فهُم الطفل).

 

 

Falka aan qaadan asal ahaan xarfaha isbadala iyo kan qaata   الصحيح والمعتل                           

 

äFalka aan qaadan asal ahaan xarfaha isbadala waa sida qoray (كتب). Kan qaata asal ahaan xarafka ugu horeeya xarfaha isbadala waa مثال  sida: Balanqaaday äوعد , xarafka iskabadala xarafka dhexdiisana waxaa la yiraahdaa äأجوف hadduu woow ama ya' yahay sida: Yiri yiraahda قال يقول, gaday gada باع يبيع , hadduu iskabadalo xarafka saddaxaadna waa ناقص  sida: Weerarey, tuurey (غزا ورمى), haddiise iskabadala xarafka hore iyo kan saddaxaad waa لفيف مفروق  sida: Gutay ä(وفى), haddiise iskabadalo xarafka labaad iyo saddaxaad waa äلفيف مقرون sida: Dhamaaday ä(طوى).

Ka hamzaysan المهموز waa erayga xaraf ka mida uu yahay asalkiisa hamzo haba ahaadee kan xarfihiisu isbaddalin äصحيح iyo kan isbaddalaba äمعتل  sida: Qaatay  أخذ, arkay  رأى, aqriyey  قرأ  iyo doonay شاء .

Ka labalaabmana المضعف waa sida: Adkeeyay "shadda" (شدّ).

Falka aysan xarfihiisu isbadalin hadduusan wadan hamzo iyo labalaab waxaa la yiraahdaa  äسالم  sida: Gargaaray (نصر).

 äالمثال الواوي : Ka xarafkiisa hore isbadala waxaa la hoosdhabayaa xarafkiisa labaad ee joogtada waxaa laga tuurayaa woowgiisa markuu yahay joogtada iyo fartada sida: Balanqaadey, balanqaada iyo balanqaad ((وعد، يعِد، عِدْ)).

 

Falalka makordhaha iyo kordhaha

المجرد والمزيد من الأفعال

 

Falka xarfihiisa oo dhami asal yihiin oo uusan wadan xaraf dheeri ah sida qoray  äكتب  ayaa waxaa la yiraahdaa falka makordhaha. Falka kordhaha ahina waa kan lagu kordhiyey xaraf iyo wax ka badan sida: Isu qora äكاتَب . 

 

 

Hamzada dhajisada iyo goynta

äهمزة الوصل وهمزة القطع

 

Hamzada dhajisada waa sida: Wuu maqan yahay Muxsin (غاب المحسنُ) oo ba'da ayaa waxaa lagu dhajinayaa laamka reeban oo lama aqrinayo alifka ka horeeya, inkastoo uu qoran yahay.

Hamzada goyntase waa sida: Tixgeli walaalkaa  äأَكرمْ أَخاك oo waxaa loo aqrinayaa siday u qoran tahay.

 

 

Adeegsiga qaamuusyada   äاستعمال المعجمات

ä

Kolkii aad barato falalka makordhaha iyo kordhaha, waxaa kuu fududaanayso inaad ka raadsato eraygaad doonayso qaamuuska carabiga iyo adigoo raacaysid labadan arrin ee soo socda:

B) 1) Ka bixi eraygaad dooneysid waxa uu wato oo sumadaha joogto ama alifyada dhajinta ama magac uyaalo ama xarfaha meeleeye ama sumadaha dheddig ama koox ama labaadle.. iwm. dabadeed ka bixi xarfaha dheeraadka ah intuu ka noqonayo erayga xarfaha makordhaha ah kolkaas ayaad ka baareysaa  qaamuuska macnaheeda.

Tusaale eraygan  äالمتدارك haddii aan ka bixino xarfaha dheeraadka ah waxaa noo soo baxaya  äدرك  oo ah erayga asalkiisa.

2) Waxaa lagu celinayaa xarafkii laga tuurey erayga ee uu lahaa asal ahaan marka laga raadinayo qaamuuska sida: Ina ابن oo waxaa laga tuurey woowgii:  بنو  oo markaanu raadineyno wuxuu noqonayaa (ب ن و).

T) Waxaa looga raadiyaa erayada qaamuusyada carabiga labadan qaab midkood:

Qaabka koowaad: Xarafka koowaad ee erayga waxaa la yiraahdaa äباب  xarafka u dambeeyana äفصل sida:

 

äفصل الكاف  باب الدال  درك

Qaamuuska ugu caansan ee sidan u qoran waa äمختار الصحاح ee uu qorey äالرازي oon ku talajiro inaan soosaaro tarjamadiisa oo af soomaali ah mardhow hadduu Eebbe yiraahdo.

Qaabka labaad: Xarafka u dambeeya ee erayga waxaa la yiraahdaa äباب  xarafka koowaadna äفصل sida:

 

äفصل الدال  باب الكاف   درك   

 

Qaamuusyada carabiga ugu caansan ee sidan u qoran waa  äالقاموس المحيط للفيروزآبادي  iyo  äلسان العرب لابن منظور qaamuuskan dambana waa qaamuuska ugu weyn qaamuusyada carabiga oo dhan.

Waana in ardayga uu heystaa ugu yaraan qaamuuskan yar äمختار الصحاح si uu uga faaideysto barashada afka carabiga.

 

Falka xoojiyaha iyo maxoojiyaha  

 الفعل المؤكد وغيره

ä

Waxaa hadalka loo xoojiyaa adigoo hadalka ku celiya, dhaarta, iyo inuu qaato qodobada xoojinta sida: Xoojinta magacyada waa (إن وأنّ، ولكن ولام الابتداء), xoojinta falalkana waa (قد واللام ونوني التوكيد).

Casharkeenan wuxuu ku saabsan yahay xoojinta falka oo lagu xoojinayo nuunka culus ama kan fudud sida: Hadduusan samayn waxaan farayo runtii waan xiri oo wuxuuna noqon kuwa la hooseysiiyey ä{وَلَئِنْ لَمْ يَفْعَلْ ما آمُرُهُ لَيُسْجَنَنَّ وَلَيَكُوناً مِنَ الصّاغِرِينَ}.

 

 

  Falka layaqaanaha iyo falka lamayaqaanaha              الفعل المعلوم والفعل المجهول                                         

ä

Marka weerta lagu sheego falaha falka sida: äWuxuu aqriyey Saliim casharkii, wuxuuna aqrinayaa saaxiibkiis berito (قرأَ سليم الدرس، ويقرؤه رفيقه غداً) waa falka layaqaanaha, haddiise aan la sheegin falaha sida: Waxaa la aqriyey casharkii, waxaa la aqrin doonaa casharkii (قُرِئ الدرسُ، وسيُقرأُ الدرسُ) waa falka lamayaqaanaha.

Tusaalahanna waa qaababka kala duwan ee falalka layaqaanaha iyo lamayaqaanaha:

 

 

Gudbaha iyo magudbaha    المتعدي واللازم                                                                                     

äHadduu ku koobnaado saamaynta falka falihiisa sida: wuu seexday ilmihii äنام الطفل  markaasi falku waa magudbe.

Haddiise uu uga gudbo saamaynta falaha lafalihiisa sida: Wuxuu soo gatay walaalkaa kitaabäاشترى أَخوك كتاباً kolkaasi waxaa la yiraahdaa gudbe. 

 

 

Dhamaha iyo madhamaha   التام والناقص                           

äFalalka madhamaha waxay ku jirtaa weerta magaca ah iyadoo ka dhigaysa mid waqti cayiman dhacay ama qaab cayiman u dhacay, waxayna u dhexeysaa falalka dhamaha iyo qodobada "xarfaha macnayaalka" ä((أحرف المعاني)). Waana labo koox oo waaweyn kooxda "ahaa" ((كان)) iyo kooxda "sigtey" ((كاد)).

Waana kuwan soo socda labadoodaba:

Ahaa iyo walaalaheed   äكان وأخواتها:

Ahaa  äكان , noqdey iyo "waabereystey"  äأَصبح , noqdey "barqadsadey"  äأَضحى , noqdey "socdey"  äظل , noqdey  "fiidsadey"  äأَمسى , noqdey "dhaxay"  äبات  sida: Waxaan ku waabereystey anigoo caafimaad qaba  äأَصبحت بارئاً , mar marna goor go'an ma sheegto sida waaberiga  äالصباح , fiidka  äالمساء oo waxaa lagala jeedaa "noqdey".

"Inta"  äدام waxaa loo adeegsadaa qaab gooni ah sida: Aqri inta aad firfircoon tahay   äأَقرأ ما دمتُ نشيطاً , waxaana horteeda galeysa "waxa" ((ما)).

Erayadan ((برح، انفك، زال، فتئ، رام، ونى)) oo dhan macnohoodu waa weli. Waa inse hortooda ahaataa diidmo xaraf ama magac ama fal ama diido iyo dhawaaqto sida: Weli walaalkaa wuu xanaaqsan yahay  äما زال أَخوك غاضباً , weli waad xasuusataa balankaagii äلا تفتأ ذاكراً عهدك, weli waxaan ahay dagaal yahan äأَنا غير بارح مجاهداً .

Noqdey ((صار)) sida: wuxuu noqdey biyihii baraf  äصار الماءُ جليداً.

Ma aha ä((ليس)) sida: Ma tegayo  äلست منصرفاً , ma imaanayaan ardada berito  äليس الطلاب بقادمين غداً . Waxaa kaloo jira afar xaraf oo loo adeegsado diidmada waana ((إِنْ، ما، لا، لات)) sida:

Ma aha walaalkaa socdaale  äإِنْ أَخوك مسافراً  oo la mida (إِنْ أَخوك إِلا مسافرٌ - إن مسافرٌ أَخوك).

Ma nihin gafayaal  äما نحن مخطئين  oo la mida  (ما نحن إلا مخطئون - ما مخطئون نحن - ما إن نحن مخطئون).

Qof ma jiro Khaalid ah äلا أَحدٌ خالداً oo la mida  äلا خالدٌ أَحد .

Wey shalaayeen mana jirto saacad la shalaayo  äندموا ولات ساعةً مندم .

Sigtey iyo walaalaheed  äكاد وأخواتها:

Falalka dhowaanshaha (أَفعال المقاربة):  äكاد، كرب، أَوشك: Waan ku soo gaari rabey  äكدت أَلحقك , roobku wuu di'i rabaa äكرب المطر يهطل.

Falalka filashada (أفعال الرجاء): äعسى، حرى، اخلولق: waxaa laga yaabaa inuu Eebbe caafimaad ku siiyo äعسى الله أن يشفيك , waxaa laga yaabaa in dhibka laga qaado äاخلولق الكرب أَن ينفرج.

Falalka bilaabashada ä(أَفعال الشروع): "Iwm äشرع، أَنشأً، طفق، قام، هبَّ، جعل، علِق، أَخذ، بدأَ، انبرى " إلخ  sida: Waxay bilaabeen beeraleydii iney goostaan  äطفق الزراع يحصد , waxay bilaabeen tartamayaashii iney ordaan المتسابقون يعْدون äانبرى .

 

Isbadalka shaqalka erayga u dambeeya iyo ismabadalka erayga              الإعراب والبناء

 

äIsbadalka shaqalka erayga u dambeeya oo ay ku xiran tahay halka uu kaga jiro weerta ayaa la yiraahdaa: الإعراب. Ismabadalka erayga u dambeeya oo qaab kaliya oo aysan ku xirnayn halka uu kaga jiro hadalka ayaa la yiraahdaa: البناء.

Kordhowga joogtada iyo meelaheeda

      نصب المضارع ومواضعه

 

Falka joogtada wuxuu noqon karaa mid hadda la joogo iyo mid soo socda, hadduu qaato mid ka mida xarfaha wax kordhaba ((أَن، لن، كي، إِذن)).

Laba mid ayaa dhacayso mid waxaa la kordhabayaa ba’da oo ah xarafka u dambeeya sida: Ma tegayo (لن أَذهبَ), hadduu yahay falalka shanta ah halkii la kordhobi lahaa ma qaadanayo xarafka nuunka: Ma tegeysaan (لن تذهبوا..). Midda kalena wuxuu noqonayaa xaraf tilmaamaya wax dhici doonaä.

 

 

Reebka joogtada iyo meelaheeda

 جزم المضارع ومواضعه

äReebka joogtada waxaa la reebayaa xarafka u dambeeya hadduu erayga yahay kaan isbadalin sida:ä Ma uusan socdaalin  (لم يسافرْ), waxaa laga tegayaa xarafka u dambeeya hadduu yahay erayga isbadala sida: Ha tuurin ä(لا ترمِ), waxaana laga tegayaa nuunka hadduu yahay falalka shanta sida: Ha daahina (لا تتأَخروا).

 

 

Gartada iyo lamagartada   äالمعرفة والنكرة

 

Magac kasta oo loogu yeero wax gaar ah ayaa la yiraahdaa garto sida: Adiga äأنت , Beyruut  بيروت .   Magaca aan loogu yeerin wax gaar ah waxaa la yiraahdaa lamagarto sida: Nin رجل  iyo ina boqor  أمير .

Gartooyinka waa toddobo magac uyaalka, magaca gaarka ah, magaca muujiyaha, magaca xiriiriyaha, gartada qodobka (ال) iyo haddii loo geeyo garto iyo gartada dhawaaqtada ah.

 

ä1. Magac uyaalka  الضمير

 

Magac uyaalka waa sida: Aniga  أَنا , adiga "labka" أَنت , adiga "dheddig"  äأَنتِ , labadiina äأَنتما , idinka  äأَنتم , idinka "dheddig" äأَنتن , isaga  هو , iyada  äهي , labadooda  äهما , iyagaä  هم , äiyaga "dheddig"  äهنَّ , annaga  äنحن .

 

 

 

2. Magaca gaarka ah   العلم 

 

Waa magac si gooni wax loogu yeero sida: Khaalid خالد , Abuubakar أَبو بكر ,  Dimishiq دمشق , Ummu xabiiba أَم حبيبة .

3. Magaca muujiyaha  اسم الإشارة

 

Magacyaalka muujiyaha waa kuwan:

Kuwa labka ah: Kani ذا , labadan ذَيْن  iyo ذان , kuwaasi  أُولاءٍ                                                                      

Kuwa dheddiga ah: Tani  ذِهْ , تِهْ , ذي , تي . labadan تان  iyo تَيْن , kuwaasi  أُولاءِ .

Halka goobta: Halkan  هنا , halkaasi  ثَمَّ  iyo  ثَمَّةَ

Magacyadan waxay qaataan ha'da soojeedista  ها)) التنبيه)) , waxaan ka ahayn (äثمة) sida: Kani هذا , kuwaasi  هؤلاء , halkani  ها هنا.

Muujiyahaasi waxaa gadaal ka raaca kaafka qofka lala hadlayo xarafkaasi oo qaata kaafka magac uyaalka keliga, labaadlaha, kooxda, labka iyo dheddiga sida: Buurtaasi ayaa halkaasi ah  äذاك الجبل هناك , ä wargeysyadiinan waa kuweenii  تيكم الصحيفة لنا , kuwiinan waa wixii aad codsateen  äذا كُنّ ما طلبتُنّ  iyo kuwiinan waa wixii aad codsateen  äذاكم ما  طلبتم.

Waxaa kaloo ay qaadataa laamka muujiyahiisu ay tahay fogaanshaha sida: Halkaasi buurtaasi agteeda   هنالك عند ذلك الجبل ,  wargeyskaasi waa keygii  äتلك الصحيفة لي.

Waxaa loo dhexeysiiyaa magac uyaal soojeedinta ä((ها)) iyo magaca muujiyaha sida: Waa aniga kan  äها أَنذا , waa idinka kuwaasi  äها أَنتم أُولاءِ sida badana waxaa loo dhexeysiiyaa kaafka sidii: Sidaas oo kale äهكذا.

 

4. Magaca xiriiriyaha   الاسم الموصول 

 

Magacyada xiriiriyaalka waa laba qeybood: Qaybta xiriiriyaalka gaarka ah iyo qaybta wadaaga ah.

B) Xiriiriyaalka gaarka ah: 

Kuwa labka ah: Kii ä الذي , labadii  اللذان iyo اللذَيْن , kuwii  الذِين , kooxda labka ah  الأُلى .

Kuwa dheddiga ah: Tii  äالتي , labadii  اللتان iyo اللتيْن , kuwii  اللاتي , kooxda dheddiga  اللائي .

T) Xiriiriyaalka wadaaga ah waana shan:  Qof  من , wax  ما , kii   أيُّ ,  kii  ذا , kii  ذو

1) äمن , Waxaa loo adeegsadaa wixii garaad leh iyo waxaan lahaynba sida: Wanaaji qoftii ku nuujisey  äأَحسن لمن أَرضعتْك .

Eebbana wuxuu ka abuuray xoolo kasta biyo qaar ka mida waa xamaarato qaarna waa laba lugoodle qaarna afar lugoodle  ä{وَاللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دابَّةٍ مِنْ ماءٍ فَمِنْهُمْ مَنْ يَمْشِي عَلَى بَطْنِهِ وَمِنْهُمْ مَنْ يَمْشِي عَلَى رِجْلَيْنِ وَمِنْهُمْ مَنْ يَمْشِي عَلَى أَرْبَعٍ}.

2) äما , Waxaa loo adeegsadaa wixii garaad leh iyo waxaan lahaynba sida: Keen wixii aad heyso  äأَحضر ما عندك , u qeybi ardadaada laba koox   äصنّف ما عندك من الطلاب صنفين .

3) äأَيُّ , Waxaa loo adeegsadaa garaadlahaä: La kulan kii aad jeceshahay  قابلْ أَيًّا أَحببته .

4) äذا , Wuxuu noqdaa magac xiriiriye hadduu ka hormaro weydiinta ((ما)) ama ä((منْ)) .

5) äذو , Waxay gaar u tahay lahjada qabiilka äطيء sida: Waxaa yimid kii ku sharfay  جاء ذو أكرمك .

 

Gartada qodobka   (äالمعرف بـ (ال             

ä

Magaca gartada wuxuu qaataa oo lagu yaqaan ägartada ((ال)) .

 

Makordhaha iyo kordhaha  المجرد والمزيد                           

äB) Magaca ka maran xarafka dheeraadka ah asalkiisa ayaa la yiraahdaa magaca makordhaha, wuxuuna u kala baxaa saddax:

1) Makordhaha saddax xaraflaha ah sida: Nin äرجُل .

2) Makordhaha afar xaraflaha ah sida: Jacfar äجَعْفَر .

3) Makordhaha shan xaraflaha ah sida: Geed mirihiisu sidii cambaruudka äسفَرْجَل .

T) Magaca kordhaha waa kan lagu kordhiyo asalkiisa xaraf iyo wax ka badan: kordhintana waa laba jaad: 

1) In la soo celiyo xaraf ka mida xarfihiisa asalka ah sida: Jilbaab äجلْباب  asalkeeda "äجلب" .

2) In lagu kordhiyo mid ka mida xarfaha dheeraadka tobanka ah oo ay wada yihiin xarfahan: (سأَلتمونيها) sida: Kulan  äاجتماع  asalkeeda "äجمع" .

 

Alifka gaaban iyo ya'da dhimanaha iyo hamzada ladheereeyay              المقصور والمنقوص والممدود

1) Alif gaabka waa magac kasta oo isbadala oo ku dhamaado alif sida: Wiilka äالفتى . 

Waana alifka iskaroga asalkiisa woowga ah ama ya'da, tusaale ahaan alifka  äالفتى  asalkiisu wuxuu ahaa ya' oo wuxuu muuqdaa kolkuu yahay kooxda labada ah sida: Laba wiil äفَتَيَان , alifkana äالعصا  asalkiisu wuxuu ahaa woow sida: Labo ul äعصوان.

2) Ya'da dhimanaha waa magac kasta oo isbadala oo ku dhamaado ya' sida: Garyaqaanka äالمحامي .

3) Erayga xarfihiisu ismabadalaha ah ee ladheereyn waa sida: Geel äجمل . Eraygase xarfihiisu ismadalaha ah ee ladheereeyey waa magac kasta oo isbadala oo ku dhamaada hamzo alifka dheeraadka ah ka dib sida: Naag quruxsan äحسناء .

 

 

Labka iyo dheddigga   äالمذكر والمؤنث

äToosanaha - dadbanaha -  xaraf ahaanta - fasirnaanta

الحقيقي - المجازي - اللفظي - المعنوي

Toosanaha iyo dadbanaha:

 

Magaca labka ee dadka iyo xoolaha oo u kala baxa lab toosane sida wiil  غلام  iyo dawaco "lab" ä ثُعْلُبان. Iyo magaca dheddiga ee dadka iyo xoolaha oo u kala baxa dheddig toosane sida gabar  بنت  iyo  أَتان  dameertaä.

 

Dheddigga xaraf ahaanta iyo dheddigga fasirnaanta  äالمؤنث اللفظي والمؤنث المعنوي:

 

Dheddigga xaraf ahaanta waa magac kasta oo qaata mid ka mida sumadaha dheddiga waana ta' yarta, alifka gaaban iyo alifka dheer ä((التاء المربوطة والألف المقصورة والألف الممدودة)) , waxaase jirta mar ay muujineyso labnimo sida: Dalxa iyo Zakariye  äطلحة وزكرياء "magac nin" .

Dheddiga fasirnaanta waa magac kasta oo qaadan mid ka mida sumadaha dheddiga sida: Sucaad äسعاد .

 

Sumadaha dheddiga saddaxda ah

  äعلامات التأنيث الثلاث:

 

1) Sumadda koowaad: Ta' yarta waa sida: Garyaqaanad  äمحامية .

2) Sumadda labaad: Alif gaabka waa sida: Haraad, haraadsan tahay  äعطشان: عطشى .

3) Sumadda saddaxaad: Alifka dheer waa sida: Jaale, jaaley tahay  äأَصفر: صفراء .

 

 

 

 

 

Kooxaha iyo xeerarkeeda

الجموع وأحكامها  

äKeliga waa wax hal ah sida darbiga  äجدار , gabar  فتاة , qaran  أمة , labadana waa wax labo ah  äالمثنى  isku mida qoraalka iyo macnaha iyadoo lagu darayo alif, nuun ama ya' iyo nuun sida: Labo gabdhood فتاتان , kooxdana waa wixii labo ka badan isagoo iskabadalaya qaabkii keliga ama qaata xarfo dheeraad ah sida: Muuqaal: muuqaalo äصُورة: صُور , guuleyste: guuleystayaal ناجح: ناجحون iyo gabar: gabdho فتاة: فتيات .

Kooxaha waa saddax kooxda labka toosanaha  äجمع مذكر سالم , kooxda dheddiga toosanaha  äجمع مؤنث سالم  iyo kooxda matoosanaha äجمع تكسير .

 

1) Kooxda labka toosanaha

جمع المذكر السالم    

  ä

Waa wixii ka badan laba oo lagu daro woow iyo nuun qaabka falaha sida: Kuwaasi waxay isku raaceen ganacsigooda ä(هؤلاء موفقون في تجارتهم) ama ya' iyo nuun qaabka lafalaha iyo lahaanshaha.

 

 

 

2) Kooxda dheddigga toosanaha  ä جمع المؤنث السالم

 

Waa wixii ka badan laba oo lagu daro alif iyo ta' sida: Way aqriyeen ardaydii "dheddig" dadaalayey (قرأت طالبات مجتهدات).

 

3) Kooxaha matoosanaha   جموع التكسير

 

Koox kasta oo iskabadasha qaabkeeda keliga ayaa la yiraahdaa koox matoosane sida: Buur: buurar  جبل: جبال .

 

Yaraynta iyo xeerarkeeda   التصغير وأحكامه                                                                                                 

Magaca loo rogayo qaabka wax yar ((فُعَيْل)) ayaa la yiraahdaa magaca yar. Wuxuuna muujiyaa yaraanta qaradiisa sida: Kitaab-yar ä(كُتَيِّب).

 

 

Xiriirtada iyo xeerarkeeda    النسبة وأحكامها                           

äHaddii magac gadaashiis lagu daro sida Dimishiq ä(دمشق) ya'da labalaabanta  äياء مشددة  iyadoo la rabo inay wax la xiriirto markaasi wuxuu noqonayaa magac xiriirto sida: Kani waa tolmada reer Dimishiq  (هذا نسجٌ دمشقيٌّ) .

 

 

Magaca labashaqlanaha iyo laba mashaqlanaha    الاسم المنون وغير المنون                           

ä

Magacyada badankood waxay qaataan labashaqlanaha qaababka isbadaladooda oo dhami isagoo godan ama kordhoban ama hoosdhoban sida kaasi waa shimbir  هذا طائرٌ , waxaan arkay shimbir  رأَيت طائراً , waxaan fiiriyey shimbir نظرت إِلى طائر ä.

Magacyadase aan qaadan labashaqlanaha waa sida: Magacyo gaar, astaamo iyo magacyo xarafkooda u dambeeya yahay alifka dheddigeed ama yahay qaabka kooxda badan.                                                                     

Magac faleedka iyo magac magac faleedka   المصدر واسم المصدر                                         

 

Magac faleedka iyo magac magac faleedka waa sida ogaaday  علِم ä ogaansho  علْماً .

 

 

 

Asalada    äالمشتقات

 

Magacyada asalka ah waa toddobo: Magaca falaha, magaca lafalaha, astaanta u egtada, magaca barbardhigga, magaca goorta, magaca goobta iyo magaca qalabka.

 

1) Magaca falaha    اسم الفاعل  

 

Magaca falaha wuxuu sheegaa qofkii sameynayey falka sida: Ma wuxuu qorayaa walaalkaa casharkiisii  äأكاتب أَخوك درسه .

 

  

2) Magaca lafalaha   äاسم المفعول

ä

Magaca lafalaha waa sida: Lagaraacay  äمضروب .

 

3) Astaanta u egtada magaca falaha

  الصفة المشبهة باسم الفاعل

ä

Astaanta u eg magaca falaha waa sida: Dabeecad wanaagga äكريم الخلق .

 

4) Magaca barbardhigaha   اسم التفضيل                                                                                   

Waxaa lagu qaabeeyaa qaabka ka badan ((أَفعل)) sida: Labadiinaba garaad ayaad leedihiin hase ahaatee deriskaa ayaa kaa garaad badan oo kaa garanaaya  äكلاكما ذكي لكن جارك أَذكى منك وأَعلم .

 

5) Magaca goorta iyo 6) magaca goobta

   äاسم الزمان واسم المكان

 

Magaca goorta iyo magaca goobta waa sida halkan waxaa ku duugan xoolo هنا مدْفن الثروة , shalay waxaa tartamayey labo orod yahan  أَمس متسابَق العدّائين ä.

 

7) Magaca qalabka  äاسم الآلة

 

Waxaa loo adeegsadaa magaca qalabka qaabkan مِفْعال. Magaca qalabka waa sida: Fure  äمفتاح .

Asalkuna wuxuu ahaa “فتح” oo ah furey.

 

 

Falaha magacyada  äالمرفوع من الأسماء

 

Waa la godayaa magaca hadduu noqdo fale ama utaagane fale ama yeele ama sheegto ama magaca ahaa iyo walaalaheed  äكان وأخواتها  iyo wixii la socda ama sheegtada in iyo walaalaheed  äإن وأخواتها .

 

ä

Falaha  الفاعل

 

Falaha waa qofkii sameynayey falka sida: Way aqrisey ardayadii ä(قرأت الطالبةُ).

 

Utaaganaha falka   äنائب الفاعل

 

Utaaganaha falka waa sida: Walaalkaa wuu jeexan yahay dharkiisa äأَخوك ممزَّقٌ ثوبُه . Macne ahaan waa lafale illeen asalku wuxuu ahaa waxaad jeexeysaa dharka walaalkaa  äأَنت ممزِّقٌ ثوبَ أَخيك .

 

ä

 

 

Yeelaha iyo sheegtada    المبتدأ والخبر

 

Weerta magaca ah waxay ka kooban tahay yeelaha iyo sheegtada äsida: Khaalid waa socdaale  ä(خالد مسافر).

 

Sheegtada (runtii) iyo walaalaheed  خبر (إن) وأخواتها äMacnayaalka qodobyada   معاني الأدوات

Macnayaalka qodobada  äمعاني الأدوات:

((إِنَّ وأَنَّ)) waxay xoojiyaan weerta sidaä: Runtii Zuheyr baa nasoo raacaya, waxaanba runtii kuu maleeyay socdaale (إن زهيراً يصحبنا، ظننت أَنك مسافر) Ayaa ka xoojisan sida: Zuheyr ayaa nasoo raacaya, waxaan kuu maleeyay socdaale ä(زهير يصحبنا، ظننتك مسافراً).

ä((كأَنَّ)) Sidii iyo xoojinta sida: Waxayba muujiyeen fardooleydii wacdarooyin ineyba runtii yihiin oo kale socdaalayaal (ثبت الفرسان على الجياد كأَنهم الأَطواد).

((ولكنَّ)) Hase ahaatee iyo xoojin sida: Waxaa yimid ardadii hase ahaatee waxaa maqan Saliim (حضر الطلاب لكنَّ سليماً غائب), xoojintase waa sida: Haddii aad iga ogolaan lahayd waan kuu abaalgudi lahaa, adiguse runtii igama aadan ogolaan ä(لو استجبتَ لي لكوفئت، لكنك لم تستجب).

((ليت)) Rabitaanka sida: Haddaad na raaci lahayd (ليتك تصحبنا).

((لعل)) Sidoo kale ((علَّ)) lagayaabo waa sida: Dadaal waxaa lagayaabaa inaad ku guuleysato kolkan (اجتهد لعلك تنجح هذه المرة). Marna waxay noqotaa "si" sida: Shaqee si aad u soosaarato nololmaalmeedkaada (اعمل لعلك تكسب قوتك).

((لا)) Diidada sida: Ma jooga nin qolka  (لا رجلَ في القاعة).

 

ää

Lafalaha magacyada  äالمنصوب من الأسماء

 

Lafalaha magacyada waa lafalaha dhan, lafalaha, lafalaha dartiis, lafalaha lajira, lafalaha goorta iyo goobta, qaabka falka, kalasaaridda, kabaxsanidda, dhawaaqtada iyo raacdada lafalaha.

 

Lafalaha dhan  äالمفعول المطلق

 

Lafalaha dhan waa sida: Waxaan ordaa aroor kasta orod  äأَعدو كل صباح عدْواً.

 

Lafalaha  äالمفعول به

 

Lafalaha waa sida ma cabin walaalkaa cabitaankiisii  äلم يشرب أَخوك شرابه , magac uyaalkana wuxuu noqdaa lafale sida waan ku sharfay  äأَكرمتك , adiga ayaanu ku caabudaynaa  äإِيّاكَ نَعْبُدُ .

 

 

Lafalaha dartiis   äالمفعول لأجله

 

Lafalaha dartiis waa sida waxaan u istaagay weyneyn dartaada ah  äقفت إجلالاً لك .

Lafalaha lajira  äالمفعول معه

äää

Lafalaha lajira waa sida waxaa socdaalay walaalkay aabihiisna hortii  äسافر أخي وأبوه قبله .             

Lafalaha goorta iyo goobta    المفعول فيه                                         

Lafalaha goorta iyo goobta waa sida waxaan imid maalintii khamiista qaadiga hortiisa äحضرت يومَ الخميس أَمامَ القاضي , maalinta khamiista waxay tilmaantey goorta falka ä(يومَ الخميس), qaadiga hortiisana waxay tilmaantey goobtiisa ä(أَمامَ القاضي).

Falkaabyada waxay u kala baxaan rogmatada المتصرفة iyo marogmade  äغير متصرف.

Falkaabyada rogrogmada  äالظروف المتصرفة  sida: Maalinta khamiista way dhowdahay  äيومُ الخميس قريب .

Falkaab marogmade  ظرف غير متصرف  sida: Waxaan imaan doonaa casirka ka dib  äسأحضر من بعد العصر.

Falkaabyada goobta ee ismabaddalaha  äظروف المكان المبنية: Sida: Aad meeshii aad ka timid äاذهب من حيث أَتيت.

äهنا - Istaag halkan  äقف هنا.

äثَمَّ -  Fadhiiso halkaas  äاجلس ثَمَّ .

äأين - Halkee usocdaashey?  äأين سافرت؟.  

äعل - Ma waxaad nagala hadleysaa kor?  äأتكلمنا من علُ؟.

äدون - Kitaabka wuxuu yaalaa kitaab-saarka hoostiisa  äالكتاب دونَ الرف.

2) Falkaabyada goorta ee ismabaddalaha  ظروف الزمان المبنية ä:  

     äإذا: Goortada timaadada sida: Hadduu yimaado walaalkaa ila socodsii  äإذا جاءَ أخوك فأَخبرني.

     äإذْ: Goortada tagtada sida: Kolkaasi waxay ahayd markuu dhacay dhulgariirka  äكان ذلك إذْ وقع الزلزال.

  äأيان: Wuxuu weydiinayaa goorta maalinta dagaalka  äيسأَل أيانَ يوم المعركة.

   äقطُّ: Been ma aanan sheegin weligey  äما كذبت قطُّ .

äعوض: Ma usameyn doono wax dhaafsasho  äلن أَفعله عوضُ .

äبينا وبينما: Mar aan taagnaa ayuu yimid walaalkaa  äبينا أَنا واقف حضر أَخوك , wuxuu soo galey Khaalid mar aanu wadahadleyney  äدخل خالد بينما نحن نتحاور .

äأمسِ: Wuxuu yimid ina boqorkii shalayto  äحضر الأَمير أَمسِ .

 äريثَ: Istaag inta aan tukanayo  äقف ريثَ أُصلي .

äلمَّا: Markuu aqriyey waan la dhacney  äلما قرأَ أُعجبنا به .

مُذ، منذُ: Goortada tagtada sida: Fuley ma ahayn tan iyo intii aan garaadsadey  äما جبنت منذُ عقلت .

ä Falkaabyo wadaaga goorta iyo goobta  äظروف مشتركة للزمان والمكان:

äأَنَّى: Goormaad timid?  äأَنَّى حضرت؟ä:(متى) goobtaad fadhiisato waad ku nasan  äأَنَّى تجلسْ تسترح (أَين).

äعند: "Xagga" waa iga soo tegey  äخرج من عندي , wuxuu socdaaley gabaldhicii  äسافر عند الغروب.

äلدى: "Heysasho" waxaan heystaa toban "diinaar" lacag ah  äلديَّ عشرة دنانير , wuxuu yimid kolkii qorraxdu soobexeysey  لدى طلوع الشمس äحضر

äلدُنْ: "Xagga" xagganaga ayaanu ka barney aqoon ä{وَعَلَّمْناهُ مِنْ لَدُنّا عِلْماً}.

 

 

Qaabka falka    الحال

ä

Qaabka falka waa sida waxaan la kulmay hooyadaa oo faraxsan  ä(قابلت والدتك مسرورةً) qaabkii falka waa faraxsan (مسرورة) qofkii faraxsanaa waa hooyadaa (والدتك) falihii qaabka waa (قابلَ).

Waxaa jira jaad kale oo la yiraahdo qaabka xoojinta  الحال المؤكد  sida: Waxaanu kuugu soo dirney dadka rasuulnimo ä{وَأَرْسَلْناكَ لِلنّاسِ رَسُولاً}.

 

Kalasaaridda   التمييز

 

Kalasaaridda waa sida: Waxaan leeyahay soddon “kitaab” oo aan jeclahay (عندي ثلاثون كتاباً أَنا بها قريرٌ عيناً).

Kalasaaraha wuxuu u kala baxaa kalasaaraha gaarka ah  äتمييز الذات  iyo kalasaaraha xiriirtada  äتمييز النسبة .

B) Kalasaaraha gaarka ah waa sida: Qolka waxaa jooga labaatan ardey hortooda uu yahay intaasoo kitaab ah ä(في القاعة عشرون طالباً أَمامهم كذا كتاباً).

T) Kalasaaraha xiriirtada waa sida: Anigaa ugu xoolo badan  äأَنا أَكثر مالاً .

Kalasaaraha tirada iyo udhigankeeda  äتمييز العدد وكناياته:

B) Tirooyinka ka bilaabata (3- 9) waxaa lala dheddigeeyaa tirooyinka labka ah, waxaana lala labeeyaa tirooyinka dheddiga ah qaababkeeda oo dhan keliga ama lagu daro ama lasocoto sida: Armaajada waxaa yaala lix wargeysyo ah iyo toddobo qalimo iyo saddax iyo toban kitaab iyo shan iyo toban warqado ah iyo siddeed iyo lixdan buug iyo afar iyo konton kaarar ah (في الخزانة ست مجلات وسبعة أقلام، وثلاثة عشر كتاباً وخمس عشرة رسالةً، وثمانيةٌ وستون دفتراً وأربعٌ وخمسون بطاقةً). Tirada tobnaadse waxay leedahay laba qaab: way isku raacaan tiradiisa haddii lagu daro mid kale sidaad aragtey saddax iyo toban kitaab, shan iyo toban warqado ah (ثلاثة عشر كتاباً، خمس عشرة رسالة) wuuse ka soohorjeedaa markuu keli yahay sida: waxaa gudbey toban arday ah iyo toban arday "dheddig" ah (نجح عشرة طلاب وعشر طالبات) kowga  äالواحد iyo labada  الاثنان  waxay ku raacaan tirada qaababka oo dhan. Sidoo kale markaanu leenahay: Maanta waa toddobo iyo tobankii Rajab هذا اليومُ السابعَ عشرَ من رجب iyo habeen dambena waa sagaal iyo tobanä äغداً الليلةُ التاسعةَ عشرةَ .

Markii aad aqrineysid tirooyinka waxaad ka bilaabeysaa xagga midig oo waxaad leedahay äWaxay ka baxeen sanadkii kun sagaal boqol iyo shan iyo afartankii 1945: كان الجلاءُ سنة خمس وأَربعين وتسعمئة وأَلف .  T) Waxaa udhiganta tirada erayo saddax ah oo kala ah:  äكذا، كأَيِّنْ، كم.

ä1) كذا : "Intaasoo" waxa la adeegsadaa kolkii aad ka hadleysid tirada ha yaraatee ama ha badnaatee sida: Waxaan heystaa intaasoo kitaab ah  عندي كذا كتاباً . Waxaan arkey tuulo hebel iyo tuulo hebel äرأيت كذا وكذا قريةً .

2) äكأَيِّنْ ä(كأَيٍّ) "Meeqa" waxaa loo adeegsadaa waxa badan sida: Meeqa kitaab ayaad aqrisey ä(كأًين من كتابٍ قرأت).

3) ä((كم)) "Meeqa" waxaa loo adeegsadaa laba qaab: Weydiin iyo sheegto.

Weydiinta  äالاستفهامية  waxaa la adeegsadaa kolkii aad rabtid inaad ogaato tirada sida: Meeqa lacag ah ayaad heysataa? (كم ديناراً عندك؟).

Sheegtadase  äالخبرية  ä(كم)  waxay sheegtaa waxa badan sida: Meeqa waano ayaa ku soodhaaftey oodan kuwaano qaadan! (بكم عبرةٍ تمرُّ فلا تتعظ!). 

 

äKabaxsanida   المستثنى             

 

Kabaxsanidda waa sida way faaideen ganacsatadii Khaalid mooyee ä(ربح التجار إلا خالداً).

Qoddobada kabaxsanida  äأدوات الاستثناء  waa siddeed: ä((إلا، غير، سوى، خلا، عدا، حاشا، ليس، لا يكون)).

äإلا: "Mooyee" waa xarafka kabaxsanida sida badan sida: Ma uusan imaan walaalkaa mooyee ä(لم يحضر إلا أَخوك). Waxayna qaadataa macnaha "ahayn" ä((غير)) sida: Haddii ay ahaan lahayd labadooda "cirka iyo dhulka" Eebbayaal aan ahayn Eebbe way xumaan lahayd labadoodaas ä{لَوْ كانَ فِيهِما آلِهَةٌ إِلاّ اللَّهُ لَفَسَدَتا}. Waxayna qaadataa macnaha "hase ahaatee" ä((لكن)) sida: Kuguma aan soodejin Qur'aanka inaan kugu dhibno hase ahaatee waano qofkii cabsanaya {ما أَنْزَلْنا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَى، إِلاّ تَذْكِرَةً لِمَنْ يَخْشَى}.

äغير وسوى: Ninkan ma xuma, wuxuu leeyahay astaamo aanan ahayn waxaan kuu sheegey (هذا رجلٌ غيرُ سيءٍ، له صفاتٌ سوى ما ذكرت), waxayse qaadataa macnaha "mooyee" ((إلا)) ee kabaxsanida sida: Waanu fahamney casharkii aan ka ahayn Naziir ä(فهمنا الدرس غير نذيرٍ).

äما خلا، ما عدا، ما حاشا: Erayadan haddii ay lasocoto ä(ما) waa in lakordhobaaä: Way aqrinayaan ardadu waxaan ka ahayn laba iyaga ka mida (يقرأُ الطلاب ما عدا اثنين منهم).

äليس، لا يكون: Sida: Waxaa socdaaley reerkii aan ka ahayn Amiirka (سافر القوم ليس الأَميرَ) ama (لا يكون الأَميرَ).

ä((بَيْدَ)) Waa sidii kabaxsanida sida: Axmed waa nin deeqsi ah fulay inuu yahay mooyee (أَحمدُ جواد بيْدَ أَنه جبان)

 

Dhawaaqtadaالمنادى

ä

Dhawaaqtada waa sida Khaalidow يا خالد , Cabdullaahiyow  أيا عبد الله , mar walbana waa lakordhobayaa ka dib qodobka dhawaaqtada. Haddiise magacu aanu isbadalin sida caadiga ah, wuxuuna ahaanayaa sidiisii hore sida: Siibawayh-yahow  يا سيبويه , kanow  يا هذا .

1) Xarfaha dhawaaqtada  äأحرف النداء waa siddeed: ä(أ)  iyo (أيْ) waxayna noqdaan dhawaaqtada dhow sida: Khaalidow, walaalkeeyow (أَخالد، أَيْ أَخي) iyo ä((يا، آ، آي، أَيا، هيا)) waxayna noqdaan dhawaaqtada fog iyo (وا) waxay noqotaa gaar ahaan baroordiiqa sida: Alla madaxeey ä(وارأْسي ).

(يا): Waa tan ugu muhiimsan oo waa dhawaaqtada dhow, fog iyo gargaarsashadaba sida: Hantiilayaalow saboolka gaajada uga gargaara ä(يا للأَغنياء للفقراء من الجوع) iyo baroordiiqa sida: Alla madaxeey ä(يا رأْسي) iyo Alla Eebbow ä(يا أَللهُ).

 

Meelaha lahaanshaha magaca    مواضع جر الاسم                                                       

Lahaansho ayuu noqonayaa magacu hadduu ka horreeyo xarafka meeleeyaha ama lagu daro magac hore.

 

 

Xarafka meeleeyaha    äالجر بالحرف

 

Xarfaha meeleeyaasha waa toban iyo toddobo xaraf:

.äالباء، من، إلى، عن، على، في، الكاف، اللام، رُبّ، حتى، مُذْ، منذ، واو القسم، تاء القسم، خلا، عدا، حاشا

Waxaan ku soo sheegnay saddaxda ugu dambeeya casharkii kalasaaraha  äمبحث الاستثناء  waana kuwan macnahooda xarfaha afar iyo tobanka dhiman:

1) äالباء : Kudhejinta "toosan" sida: Waxaan qabtey gacantaada (أمسكت بيدك), ama dadban sida: Waxaan soo dhaafey gurigaagii ä(مررت بدارك), caawinta sida: Waxaan ku cuney qaaddo (أكلت بالملعقة), wacnaanta sida: Gardaradaada darteed ayaan kaaga goostey (بظلمك قوطعت), udhiganta sida: Uqaado kitaabka buugga ama lacag (خذ الكتاب بالدفتر أو بدينار), badalka sida: Alla yaa iigu beddelo xoolihiisa caafimaad ä(ليت له بماله عافية), falkaabka sida: Waxaan soodhaafey Dimishiq habeen (مررت بدمشق بالليل), lasocotada sida: Bax adoo nabad ah (اذهب بسلام), dhaarta sida: Waxaan ku dhaartey Eebbe ä(أقسمت بالله).

2), 3) äتاء القسم وواوه: Ta'da dhaarta iyo woowgeeda sida: Waxaan ku dhaartey Eebbe (تالله), woowgana sida: Waxaan ku dhaartey Eebbe (والله).

4) äالكاف: Sidii sida: Wuxuu u ciyey sidii libaaxii ä(صرخ كأسد).

5) äاللام: Ugaar ah sida: äEebbaa mahadda iska leh (الحمد لله), "u" sida: Waxaan u soo noqdey gurigeygii ä(عدت لداري), noqoshada sida: Waxay udhiseen iney burburiyaan ä(بنوا للخراب), falkaabka sida: Sooma "bisha" aragtideeda  (صوموا لرؤيتهä), gargaarsasho sida: Hantiilayaalow (يا للأغنياء), layaabka sida: Heersare! (يا للروعة!).

6) äعن: "Ka" sida: Waxaan ka socdaaley Beyruut (سرت عن بيروت), kadib sida: Xoogaa yar kadib wey shalayn doonaan {عَمّا قَلِيلٍ لَيُصْبِحُنَّ نادِمِينَ}.

7) äفي: Falkaabka toosan sida: Waxaan joogey Ramadaankii Dimishiq ä(أقمت في رمضان في دمشق), dadban sida: Waxaa idinkugu sugnaadey qofkii qof dila in ladilo nolol ä{وَلَكُمْ فِي الْقِصاصِ حَياةٌ}. Darteed sida: Waxay u gashey cadaab naag mukulaal ay xirtey darteed ((دخلت النار امرأة في هرّة حبستها)).

8), 9) äمذ ومنذ: Tan iyo sida: Lama aanan hadlin tan iyo saddax maalmood (لم أكلمه منذ ثلاثة أيام).

10) äمن: Bilaabashada "ka" sida:  Waxaan ka baxay guriga ä(سرت من الدار), qaar sida: Bixiya wixii aad jeceshihiin (أنفقوا مما تحبون ), caddaynta sida: Wixii xoolo ah ood heysato keen ä(ما عندك من مال فأحضره), beddelka sida: Wax kaaga tarimeyso doodda runta ä(لا يغنيك الجدل من الصدق شيئاً), darteed sida: Dadaal xumadaada darteed ayaad ku jabtey ä(من تقصيرك خسرت).

11) äإلى: "Tan iyo, ku" Dhamaadka sida: Waxaan soojeedey tan iyo waaberigii ä(سهرت إلى الفجر). Xagga ä عند  sida: Aqriska ayaan ka jeclahay xaggeyga hadalka (القراءة أحب إلي من الحديث).

12) äرُبّ: Lagayaabo sida: Waxaa lagayaabaa inuu dhibnoo yahay ä(رب مؤذٍ لنا).

13) äعلى: Kor "toosan" sida: Kitaabka wuxuu kor saaran yahay kitaab-saarka ä(الكتاب على الرف) ama dadban sida: Abaal ayaad igu leedahay ä(لك عليّ فضل), darteed sida: Wuu isharfey wixii aan u sameeyay darteed (أكرمني على نفعي له), lasocotada äمع : Waan ku jeclahay äcaajisnimadiisa (أحبه على كسله), inkastoo sida: Waan ku jabey heshiiskii inkastoo aanan ahayn rajolaawe ä(خسرت الصفقة على أني غير يائس).

14) äحتى: Dhamaadka "tan iyo" sida: Waxaan soojeedey tan iyo waaberigii (سهرت حتى الصباح), darteed "si" waxay la macno tahay laamka  äمرادفة اللام  sida: Dadaal si aad uguuleysato (اجتهد حتى تفوز).

 

Lahaanshaha labada magac   الجر بالإضافة                           

Lahaanshaha waa labo magac oo isla socda sidaä iikeen kitaabka Saciid iyo qalin qoriga (أَحضرْ كتاب سعيد وقلم حبر).

Lahaanshaha waa laba jaad: Lahaanshaha meeleeyaha iyo lahaanshaha erayga:

Lahaanshaha meeleeyaha äالإضافة المعنوية:

Lahaanshaha meeleeyaha waxay qaadataa mid ka mida saddaxda xarfaha meeleeyaha:

1) äاللام  Waxay tilmaantaa lahaansho ama ugaar ah sida: gurigeygii = guri keygii  ä(داري = دارٌ لي).

2) ä((من)) Waxay tilmaantaa caddayn sida: ushan waa geedka Khayzaraan ä(هذه عصا خيزرانٍ = هذه عصاً من خيزران).

3) ä((في)) Waa falkaab sida: Waxaa iddaaliyey soojeedkii habeenkii iyo ilaalinta beeraha (أَتعبني سهر الليل وحراسة الحقول = سهرٌ في الليل وحراسةٌ في الحقول).

Lahaanshaha erayga  äالإضافة اللفظية:

Lahaanshaha erayga waa sida: Waxaa isoo dhaafay nin madaxiisa daboolnaa   äمرَّ بي رجلٌ معصوبُ الرأْس .

 

Raacdooyinka   التوابع             

Hadduu raaco erayga isbadalka erayga ka horeeyay ayaa la yiraahdaa raacdo äتابع .

Raacdooyinka waa shantan: Xoojinta  التوكيد ,ä tilmaamaha  النعت , la socotada  العطف , fasirtada البدل , la socotada caddaynta  عطف البيان

 

     

1- Xoojinta  äالتوكيد

 

Xoojinta waa eraygii oo la soo celiyey mar kale sida: Waa la heshiiyey waa la heshiiyey  äلقد تم الصلح لقد تم الصلح.

 

     

2- Tilmaamaha   النعت

 

Tilmaamaha wuxuu sheegaa qofka yimid wuxuu yahay sida: Waxaa yimid Khaalid gabyaagii  ä

äحضر خالدٌ الشاعرُ .      

 

3- La socotada   العطف

 

La socotada waxay wada socodsiisaa laba eray iyadoo ka dhigaysa isku shaqal ama reeb sida: Waxaa aqriyey ardadii "labka" haddana ardadii "dheddigga" ka dibna ilmihii  äقرأَ الطلابُ فالطالباتُ ثم الأَطفالُ .

Xarfaha la socotada waa sagaalkan soo socda:

1) äالواو: "Iyo" waa sida: Waxaa socdaaley Axmed iyo Saliim (سافر أَحمد وسليم).

2) äالفاء: "Ka dib" waa sida: Waxaa socdaaley Axmed ka dibna Saliim ä(سافر أَحمدُ فسليمُ).

3) äثم: Dabadeed waa sida: Waxaa socdaaley Axmed dabadeed Saliim ä(سافر أَحمد ثم سليم).

4) äحتى: "sidoo kale" sida: Waxaan cuney malaaygii sidoo kale madaxiisii  äأَكلت السمكة حتى رأْسَها .

5) äأو: "Ama" sida: Waxaa wanaagsan inaad isku mashquulsid aqriska ama ciyaaraha äيحسن أن تشغل نفسك بالقراءة أو الرياضة .      

6) ((أم)) "Mise" sida: Ma adigaa guuleyste mise walaalkaa?  أَأَنت الناجح أَم أَخوك؟ .

7) äبل: "Ee waa" sida: Ma socdaalin deriskaa ee waa adeegahooda  äما سافر جيرانك بل خادمُهم .

8) äلكنْ: Hase ahaatee sida: Ma socdaalin ardadii hase ahaatee qof ka socdey iyaga (لم يسافر الطلابُ لكنْ وكيلُهم).

9) äلا: Ma aha sida: Waxaa guuleystey Maxamuud ee ma aha Saliim ä(نجح محمودٌ لا سليمٌ).

 

 

4- Fasirtada   البدل  

Fasirtada waa sidaä: Martigaaga maanta waa deriskaaga Khaalid  ضيفُك اليوم جارُك خالد .

 

   

5- Lasocotada caddaynta    عطف البيان                              

Lasocotada caddaynta waa sidaä: جاءَ خالدٌ التميميُّ معه أبو زيد عمرانُ .

 

Xarfaha macnayaalkooda   äحروف المعاني

Ka hadalka xarafka    äالكلام على الحرف

 

Xarfaha oo dhami waa ismabadalayaal  äمبنية  wayna yar yihiin oo kama badna tiradooda siddeetan. Waxaana loogu yeeraa xarfaha macnayaalka, sidoo kale xarfaha alif ba'da äحروف الهجاءِ  waxaa loogu yeeraa xarfaha aan isbadalin.  

Xarfaha macnayaalkooda waxay u kala baxaan shan qaybood: hal xarafle, laba xarafle, saddax xarafle, afar xarafle, iyo shan xarafle. Hal xarafluhu waa saddax iyo toban xaraf waxayna kala yihiin: Hamzada, alifka, ba'da, ta'da, siin, fa', kaaf, laam, miim, nuun, ha', woow iyo ya'.

ä(الهمزة): Alif gaabka waxaa loo adeegsadaa weydiinta, isla simidda iyo dhawaaqtada sida: Ma dhow yahay mise wuu fog yahay waxa la idiin yaboohay {أَقَرِيبٌ أَمْ بَعِيدٌ ما تُوعَدُونَ}, waa isugu mid iyaga haddaad u digto iyo haddaadan u digin rumeyn mahayaan {وَسَواءٌ عَلَيْهِمْ أَأَنْذَرْتَهُمْ أَمْ لَمْ تُنْذِرْهُمْ لا يُؤْمِنُونَ} iyo äderiskeenayahey annaga labada ah waxaanu deggannahay halkani  إنا مقيمان ها هنا أجارتَنا.

(الألف) Kaalmada, layaabidda, baroordiiqqa, kala qaybinta labada nuun, sumadda laboodlaha sida:

Alla Yaziidow waxaan kaa filayaa inaan kaa heli doono saddaqo (يا يزيدا لآملٍ نيل بر), maxaa biyo ah oo maxaa cows ah!  !äيا ماءا ويا عشبا 

(الباء) Dhejinta, darteedda, dhaarta, kaalmada sidaä: Waxaan qabtey walaalkey  أمسكت بأخي , ka bixitaanka balamohoodii ayaanu naxariista uga fogeyney ä{فَبِما نَقْضِهِمْ مِيثاقَهُمْ لعَنّاهُمْ} ,

ä(التاء) Dheddiga, dhaarta sidaä: Waxay tiri xaaskii mudanaha {قالَتِ امْرَأَةُ الْعَزِيزِ}, waxaan ku dhaartay Eebbe runtii Eebbaa naga kaa doortay {تَاللَّهِ لَقَدْ آثَرَكَ اللَّهُ عَلَيْنا}.

(السين) Timaadada sidaä: Waxaa kuu muuqan doonto (maalin ka mid ah) maalmaha waxaadan ogeyn ستبدي لك الأيام ما كنت جاهلا.

(الفاء) Isku xigidda, ku xiran sida: Madaxweynaha waxaa u soo galey aqoonyahanadii ka dib madaxdii   äدخل عند الخليفة العلماء فالأمراء , haddaad jeceshihiin Eebbe waa inaad isoo raacdaan ä{إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي}. Waxay noqotaa xaraf dheeraad ah iyadoo erayga qurxineysa sidaä: Qaado toddobo oo kaliya  فقط خذ سبعة.

ä(الكاف) Sidii sidaä: Aqoonta waa iftiin oo kale  العلم كالنور , kaasi waxaa (idin kugu) sugan waano {إِنَّ فِي ذَلِكَ لَعِبْرَةً} , waxay noqotaa xaraf dheeraad ah sida ma jiraan wax la mid ah  {لَيْسَ كَمِثْلِهِ شَيْءٌ}.

ä(اللام) Fartada, bilaabidda, dhaarta, u goonida sida: Ha bixiyo xoololow xoolihiisa ä{لِيُنْفِقْ ذُو سَعَةٍ مِنْ سَعَتِهِ},   ä   jannada (beerta) waxay gooni u tahay kuwa maqla (Eebbe)  äالجنة للطائعين.

ä(الميم) Waxay tilmaantaa kooxda labka sida: Waxaad ahaydeen kuwa islaweyn adduunka {بِما كُنْتُمْ تَسْتَكْبِرُونَ فِي الأَرْضِ}

(النون) Ka tegin iyo xoojinta sida: Wuxuu igula dardaarmey tukashada ä{وَأَوْصانِي بِالصَّلاةِ} iyo waxaanu qaban foodiisaä ä{لَنَسْفَعاً بِالنّاصِيَةِ}.

ä(الهاء) Hadal istaajinta sida: Maxaa ugu wacan  äلِمَهْ , isaga  äإياه  magac uyaalka isaga waa (إيا) kaliya hase ahaatee ha'da ka dambeysa waxay sheegeysaa qof maqan.

(الواو) Kooxda, sii wadida, qaabka, lasocdaha iyo dhaarta sida inaan idiin caddayno oon ku sugno ilmagaleenada wixii aan doono  ä{لِنُبَيِّنَ لَكُمْ وَنُقِرُّ فِي الأَرْحامِ ما نَشاءُ}, äwaxay ka baxeen guryahooda iyagoo kummanaan ah {خَرَجُوا مِنْ دِيارِهِمْ وَهُمْ أُلُوفٌ}, iyo waxaan ku dhaartey Tiinka iyo Zaytuunka {وَالتِّينِ وَالزَّيْتُونِ} "labadan geed ma aha geedaha ay soomaalidu u taqaano Tiitiinka iyo Zeytuunka ee waa laba geedoo kale oo magacyadooda uun baa isku mid noqday"ä.

ä(الياء) Hadlaha sida aniga  äإياي .

ä(أما الثنائية) Laba xarafluhuna waa lix iyo labaatan waxayna kala yihiin aa, iz, al, am, an, in, aw, ay, ii, bal, can, fii, qad, key, laa, lam, lan, low, maa, muz, min, haa, hal, waa, yaa iyo nuunka culus.

ä(آ) Dhawaaqtada sida Cabdullaahiyow  äآعبدَ الله .

(إذ) Isla markiiba iyo kolkii.

ä(أل) Qodobka gartada "ka" sida: Wuxuu idiin la yimaado rasuulka qaata {وَما آتاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ}.

(أم) Mise sida: Ma dhow yahay mise wuu fog yahay waxa la idiin balanqaaday {أَقَرِيبٌ أَمْ بَعِيدٌ ما تُوعَدُونَ}.

(أن) Fasirtada "in" sida: Inaad soontaan ayaa idiin wanaagsan {وَأَنْ تَصُومُوا خَيْرٌ لَكُمْ}.

(إن) Shardiga "haddii" sida: Haddii aad naxariisato waa laguu naxariisan  äإن ترحم تُرْحَم .

ä(أو) Ama sida: Qaado kan ama kaas  äخذ هذا أو ذاك .

ää(أي) Dhawaaqtada iyo fasiridda sida iBarbaariyaheygow  äأيْ رب , kaasi waa casjad yacni dahab äهذا عسجد أي ذهب .

(إي) Haa sida: Waxay ku weydiinayaan ma dhabbaa waxaad dhahdaa haa waxaan ku dhaartey iBarbaariyaheyga ee runtii waa dhab {وَيَسْتَنْبِئُونَكَ أَحَقٌّ هُوَ قُلْ إِي وَرَبِّي إِنَّهُ لَحَقٌّ}.

(بل) "Ee waa" sida: Ma bixin Khaalid ee waa Yuusuf  äما ذهب خالد بل يوسف .

(عن) "Ka" sida: Waxaan ka baxay magaaladii  äخرجتُ عن البلد .

(في) Falkaab, lasocotada iyo darteed: Magaalada waxaa jooga tuugo  äفي البلد لصوص

(قد) Runtii iyo lagayaabo sida: Runtii waxaa liibaaney ä{قَدْ أَفْلَحَ}.

ä(كي) "Si" sida: Si aad u gaartaan  كي تنالوا .

(لا) Diidada, dheeradka iyo diidmada sida: Ha ka quusanina naxariista Eebbe ä{لا تَقْنَطُوا مِنْ رَحْمَةِ اللَّهِ}, maxaa kuu diidey inaad tukatid  ä{ما مَنَعَكَ أَلاّ تَسْجُدَ}  iyo xoolana ma bixiyo mana tukado  ä{فَلا صَدَّقَ وَلا صَلَّى}

(لم) Diidmada joogtada sida: Lama dhalin waxna ma dhalo "Eebbe" ä{لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ}.

ä(لن) Diidmada joogtada iyo timaadada.

ä(لو) Shardiga "haddii" sida: Wuxuu jecel yahay midkood hadduu noolaan lahaa kun sano {يَوَدُّ أَحَدُهُمْ لَوْ يُعَمَّرُ أَلْفَ سَنَةٍ}.

(ما) Diidmada sida: Kani ma aha dad ä{ما هَذا بَشَراً}.

(مذ) Tan iyo sida: Lama aanan hadlin tan iyo sanad  äما كلمتُه مذ سنة .

(من) Bilaabidda "ka", qaar .

(ها) Soojeedinta waxaana qaata magacyada muujiyaha sida: kan  äهذا  iyo tan  هذه  magac uyaalada waa aniga kani  äهأنذا  iyo waa idinkii  هأنتم  iyo weerooyinka sida: War saaxiibkaa ayaa taagan iridda ها إنّ صاحبك بالباب.

ä(هل) Weydiinta sidaä: Waagii ma beryay ?  هل طلع النهار؟

ä(وا) Baroordiiqa 

(يا) Dhawaaqtada, baroordiiqa iyo soojeedinta sida dadow ä((يأيها النّاس)), 

(النون الثقيلة) Waxaa qaata falka laxoojinaya sida: Waa la xiri  ä{لَيُسْجَنَنَّ} sideedaba ma qaadato tagtada. 

(أما الثلاثية) Saddax xarafluhuna waa labaatan iyo shan waxayna kala yihiin aay, ajal, izaa, izan, alaa, ilaa, amaa, inna, anna, ayaa, balaa, zumma, jalal, jayri, khalaa, rubba, sowfa, cadaa, calla, calaa, laata, layta, munzu, nacam iyo hayaa.

(آيَ) Dhawaaqtada

(أجل) Haa

(إذا) Islamarkii sida: Haddii ay ku dhacdo xumaan oo ay gacantooda ku keensadeen islamarkiiba waa kuwa rajadhiga ä{وَإِنْ تُصِبْهُمْ سَيِّئَةٌ بِما قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ إِذا هُمْ يَقْنَطُونَ}.

(إذن) Sidaas darteed.

ä(أَلا) Soojeedinta "hooyaay"

ä(إلى) Dhamaadka "ku" .

(أمَا) Soojeedinta "miyaa"

(أنّ) Xoojinta "runtii"

(إنَّ) Xoojinta sida: Runtii Eebbe ayaa wax walba awooda ä{إِنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ}, kaliya إِنَّما  sida waxaa kaliya oo waano qaata inta garaadka leh  ä{إِنَّما يَتَذَكَّرُ أُولُو الأَلْبابِ}.

(أيَا) Dhawaaqtada

ä(بلى) Warcelinta "haa"

(ثم) Dabadeed sida waxaa baxay dhalinyaradii ka dibna odayaashii  äخرج الشبان ثم الشيوخ

ä(جَلَلْ) Warcelinta "haa" oo kale

ä(جَيْرِ) Warcelinta "haa" sidoo kale

(خلا) Ka baxsanida "ka ahayn"

ä(رُبّ) Lagayaabo.

ä(سوف) Timaadada sida: Wuu arki doonaa  äسوف يرى

(عدا) Ka baxsanida "ka ahayn"

(علَّ) Laga yaabo

ä(على) Korka iyo lasocotada 

(لاتَ) Diidmada ma aha

(ليت) Filasho "tollaay"

(منذ) Tan iyo sida: Lama aanan hadlin tan iyo sanad  äما كلمتُه منذ سنة .

(نعمْ) Warcelinta "haa"

(هيا) Dhawaaqtada sida: Na Barbaariyeheenow noo naxariiso  äهيا ربَّنا ارحمنا

(وأما الرباعية) Afar xarafluhuna waa shan iyo toban waxayna kala yihiin izmaa, allaa, illaa, ammaa, immaa, xaashaa, xattaa, ka'anna, kallaa, laakin, lacalla, lammaa, lowlaa, lowmaa iyo hallaa

ä(إذما) Shardiga "haddii" .

(أَلاَّ) Ku boorinta.

(إلا) Ka baxsanida "ka ahayn" sida: Cudur kasta wuxuu leeyahay daawo waxaan ka ahayn geerida äلكل داء دواء إلا الموت .

(أما) Miyaa sida: Kuwii rumeeyey miyaa iyagu way og yihiin runtii inuu dhab yahay {فَأَمّا الَّذِينَ آمَنُوا فَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ الْحَقُّ}.

(إمّا) Ama.

(حاشا) Ka baxsanida "ka ahayn"

(حتى) Tan iyo intii sida: Tan iyo intii waaga ka baryayo {حَتَّى مَطْلَعِ الْفَجْرِ}.

ä(كأنّ) Sidii.

(كلا) Sidaas ma aha.

(لكنْ) Hase ahaatee sida: Ma istaagin Zeyd hase ahaatee Camri buu ahaa   äما قام زيد لكن عمروٌ

(لعل) Laga yaabo sidaä: Waxaa laga yaabaa hawada iney isbadasho  لعل الجو يعتدل .

(لمّا) Diidmada joogtada

(لولا) Ku boorinta.

(لوما) Ku boorinta.

(هلا) Ku boorinta.

ä(أما الخماسية) Shan xarafluhuna waa hase ahaatee sida: Ma aydan dilin hase ahaatee ee Eebbaa dilay ä{فَلَمْ تَقْتُلُوهُمْ وَلَكِنَّ اللَّهَ قَتَلَهُمْ}.

(أحرف الجواب) Xarfaha warcelinta  äلا ونعَمْ وبلى وإي وأجَلْ وجلَلْ وجَيْرِ وإنّ

(أحرف النفي) Xarfaha diidmada  äلم ولمّا ولن وما ولا ولات   

ä(أحرف الشرط) Xarfaha shardiga  äإنْ وإِذما ولو ولولا ولوما وأمّا

(أحرف التحضيض) Xarfaha ku boorinta   äألا وألاّ وهلاّ ولولا ولو ما

(الأحرف المصدرية) Xarfaha magac faleedka  äأنّ وأن وكي ولو وما

(أحرف الاستقبال) Xarfaha timaadada  äالسين وسوف وأنْ وإنْ ولن وهل

(أحرف التنبيه) Xarfaha soojeedinta   äألا وإما وها ويا

(أحرف التوكيد) Xarfaha xoojinta  äإنّ وأنّ والنون ولام الابتداء وقد . 

 

 

äIsbadalka shaqalka erayga u dambeeya ee weeraha    إعراب الجمل                                         

 

Weerta eraybixinta naxwaha waxa weeye wixii ka kooban sheegtada  äمسند  iyo yeelaha  äمسند إليه  haddii ay tahay weer dhan sida: Wuu cuney ilmihii (أكل الطفلُ) ama aysan ahayn weer dhan sida: Haddaad dadaasho ä(إن تجتهد).

Weerta falka iyo tan magaca ah  äالفعلية والاسمية:

Weerta ku bilaabata fal sida: Waxaan aqriyey casharkeygii ä(قرأت درسي) waxaa la yiraahdaa weer fal.

Weerta aan ku bilaabanna fal waxaa la yiraahdaa weer magac sida: Ma aha walaalkaa socdaale (ما أخوك مسافراً).

 

 

الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات                                         

Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galadiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku