Sura
[ Al-Baqarah ] Aya [215] waxay ku warsan maxay bixiyaan, waxaad dhahdaa waxaad bixisaan oo khayr ah waxaa mudan Labada waalid qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Soodaha Waxaad fashaana oo kahr ah Eebe waa ogyahay.
Sura
[ Al-Anbiyâ’ ] Aya [34] maanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu).
Sura
[ At-Tawbah ] Aya [105] Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen.
Sura
[ Al ‘Imrân ] Aya [179] Ma aha Eebe kii kaga Taga Mu'miniinta Sidaad tihiin intuu ka kala Sooco ka Xun iyo kan Fiican, mana aha Eebe kii idin Daaliciya (Tusiya) waxa Maqan, hase yeeshee wuxuu ka dooran Rasuulkiisa Ciddduu Doono ee Rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa, Haddaad Rumeysaan Xaqa oo Dhawrsataan waxaad Mudanaysaan Ajir Weyn.
Sura
[ Al-Muddaththir ] Aya [45] Waxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban.